Itoobiya oo qabatay hub iyo raggii watay + Sawirro

Addib Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ee ka howl-gala magaalada Addis Ababa ayaa gacanta ku dhigay hub fara badan, rasaas iyo raggii watay.

Warbixin kasoo baxday Booliiska ayaa lagu sheegay in hubkan Addis Ababa lagu soo-geliyey gaari nuuca loo yaqaano ah Isuzu, kaas oo ka yimid deegaanka Axmaarada.

Sidoo kale saraakiisha Booliiska ayaa shaaciyey in hubkan loo soo ekeysiiyey agab caadi ah oo saarnaa gaariga, bals ay daba-gal ay ku sameeyeen sirdoonka dalkaasi.

Qoraalka kasoo baxay Booliska Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheegay in hubka la qabtay uu kala yahay laba (BKM), laba  Isneypar , 38 Bistooladaha Waawayn , 25 Bistoolado yaryar, 5992 Rasaasta Qoriga Aakaha, 898 Rasaasta Bistooladaha, 5 Rasaasta Qoriga Isanyparka ah, iyo agabyada Qoryaha, waxaana hubkaas laga qabtay  xaafada Gulale, gaar ahaan Dagmada 8aad, Xaafad hoosaadka 7aad.

Warbixinyta ayaa sidoo kale intaasi kusii dareysa in la qabtay labo nin oo la socday gaariga, islamarkaana ah kuwa hubka sida qarsoodiga ah kusoo geliyey Addis Ababa.

Itoobiya ayaa marar badan gacanta ku dhigtay hub si sharci darro ah lagu soo-geliyey dalkeeda, gaar ahaan magaalada Addis Ababa oo ay howl-gallo ka sameeyeen Booliska.