BAAQ JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE CANADA
Ku: Golaha Shacabka Qaranka Federalka Soomaaliya
Ujeeddo: Soo Jeedin Baaq
Marka hore, mahad oo dhan waxay u sugnaatay Allaah. Intaa kadib, sababta nagu kaliftay in anagoo ah odayaasha iyo waxgaradka jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Canada, gaar ahaan magaalada Toronto, aan qoraalkan soo gudbino waxa ay tahay: Markii aan aragnay hankii iyo himilladii shacabka Soomaaliyeed ay u qabeen horu-socodka iyo hiigsiga sanadka 2016, iyo in dalka Soomaaliya uu ka hirgalo Qof iyo Cod iyo in labada milyan ee qurba jooga Soomaaliyeed dib dalkooda hooyo uga soo noqdaan ay shaki iyo mugdi gashay markii uu ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke soo dhisay golahiisa wasiirada.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Canada, waxay goor walba kaalin mug leh kaga jiraan:- Horumarka iyo dib u dhiska dalka, haddii ay noqoto hoggaanka dalka iyo taageerada joogtada ah oo ay u hayaan xukuumad kasta oo ka hanaqaada dalka.
Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid markii uu ku dhowaaqay golahiisa wasiirada, wuxuu sheegay in wasiiradiii howl kar-nimada muujiyay sida wanaagsanna uga soo baxay howshooda ay soo noqdeen, taasina ma dhicin waxaana caddeyn u ah arrimaha soo socda:-
Jaaliyadda iyada oo isku duuban waxay qeyb weyn ka qaadatay dagaalkii dowladda Soomaaliyeed u gashay dib u soo celinta maamulka hawada dalka, muddo seddex jeer ahna, uu wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, oo ay la socdaan qubarro muddo dheer ka soo shaqeyneysay dhinaca maamulka hawada iyo duuliymaadyada rayidka, safar ku yimaadeen dalka Canada oo xarun u ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duuli-maadyada rayidka (International Civil Aviation Organisation), iyagoo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay in laga miro dhaliyo sidii maamulka hawada dib loogu soo celiyo gacanta dowladda Soomaaliyeed, taasoo ku timid dadaal weyn oo ay galeen madaxda wasaaradda oo uu hogaaminayay wasiirka Mudane Siciid Jaamac Cali Qoorsheel.
Sidoo kale waxaa jira wasiiro waxqabad cad oo umadda Soomaaliyeed ku diirsatay sameeyay, sida wasiirka wasaaraha Beeraha Mudane Cabdi Axmed Maxamed Baafo, oo dib u nooleyn ku sameeyay wasaaradii beeraha, kuna soo kordhiyay toddobo mashruuc oo looga bixiyaa masiibooyinka abaaraha. Tan kale wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Mudane Cabdullaahi Goodax Barre, oo qeyb baaxad leh ka qaatay dhismaha maamul gobaleedka kahana qaaday Koonfurta Soomaaliya, haddana gacanta ku hayay maamul u sameynta goballada dhexe.
Hadaba waxaan baaq iyo codsi aan u direynaa hay’adda sharci dejinta dalka oo ah golaha shacabka qaranka Soomaaliiyeed, in qaranka Soomaaliyeed aad waxqabad ugu hiilisaan, si gaar ahna aad u tixgalisaan waxqabadka iyo isbadalka horumarineed ee ay ku talaabsadeen wasaarahadaasi, si danta guud loo dhowro iyo midnimada Soomaaliyeed ee aad idinka mas’uulka ka tihiin.
Waxaan kale oo idinku boorineynaa in aad hor-istaagtaan, oo aydan kalsooni siin golaha wasiiradda ee uu soo xushay ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Soomaaliya maanta badbaadadeeda waxay ay ku jiro daacidnimo iyo qaranka oo laga hormariyo shaqsi iyo nin jecleysi.
Waxaa baaqan ku saxiixan qaarka mid ah waxgaradka iyo odayaasha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Canada
1. Fowsi Maxamed Cumar (Girigiri)
2. Cabdi Maxamed Ciye (Cabdi Dheere)
3. Cabdirisaaq Xuseen Geedi (Cabdiriqaas Shuluq)
4. Axmed Cabdullaahi Maajoor (Kamandhe)
5. Axmed Cali Yuusuf (Dhabaryare)
6. Cabdinasir Maxamed Saalax
7. Cawad Axmed Cashara
8. Maxamuud Ali nuur
9. Liiban Daahir Gabayre
10. Sahra Saalax Maxamed
11. Falis Yaasiin
12. Maxamed Cariif
13. Xabiiba Cabdi Jaamac
14. Aamina Xaaji Cabdi
15. Cabdiwaaxid Xaaji Cabdi
16. Maxamed Cabdullaahi Cabdi
17. Kaltuun Xaaji Xasan
18. Naadiya Xasan
19. Farxiya jaamac
20. Sahra Cabdullaahi Jaamac
21. Khadiija Maxamed Yuusuf
22. Fardowsa Cige