Garoowe (Caasimada Online) – Hay’adda Macdanta iyo Batroolka maamulka Puntland ayaa heshiis la gashay shirkad ka shaqeysa sahaminta shidaalka dhex ceegaaga badaha, taasoo lagu magacaabo Ion Geophysical Corporation fadhigeeduna yahay magaalada Houston ee dalka Maraykanka.
Madaxweynaha Puntland, ayaa saxiixey heshiiskan bishii hore mar uu booqasho ku tagey wadanka Ethiopia.
Shabakadda EnergyGlobal oo ka faaloota arimaha shidaal baarista ayaa xogtaan baahisey iyadoo soo xiganaysa mas’uuliyiin uu kamid yahay Agaasimaha Hay’adda Macdanta iyo Batroolka Puntland Ciise Dhoollawaa iyo Dr. Cismaan Salaad Xirsi oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Regina ee dalka Canada, la-taliyena u ah Hay’adda Macdanta iyo Batroolka Puntland.
Wararku waxay intaas ku darayaan in shirkadaani hordhac ahaan u bixisey adduun lacageed oo gaaraya $500,000 ilaa $1,000,000, tasoo lagu bixiyey saxiixa heshiiskaan, Aagga koowaad ee la sahaminayo oo dhererkiisu gaarayo 7600km waxay shirkaddu ka ururin doontaa xog muhiim ah oo ku saabsan kaydka shidaalka taasoo mustaqbalka la adeegsan doono haddii loo baahdo in shirkadaha shidaalka soo saara dib looga iibsado.
Xeebaha dalalka Oman iyo Yemen iyo weliba qaybo kamid ah Badweynta India oo ay Puntland juqraafi ahaan ahaan isku dhow yihiin waxaa horay looga helay ceelal shidaal kuwaasoo sameysmey casrigii Dabshuuriga oo ku beegan muddo hadda laga joogo 66milyan oo sano kahor.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan digniin u jeedisey shirkad fadhigeedu yahay China oo lagu magacaabo ARC, taasoo hawlo shidaal baaris ah ka wada deegaano ka tirsan gobolka Awdal. Heshiiskan ay gashay Puntland, ayaa waxaan ka warheyn dowladda federaalka.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

