Muqdisho (Caasimada Online) – Siddeed beelood oo ka mida beelaha wada dega gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa magaalada Muqdisho ka soo saaray war-murtiyeed ay ku caddeeyeen, in magaala-Madaxda Gobolka Galgaduud ee Dhusamareeb shir dib u heshiiseeneed loogu qabto beelaha wada dega gobollada dhexe, kahor inta aan la qaban shirka maamul u sameynta gobollada dhexe, waxaana baaqaasi ka soo baxay waxgaradka soo dhoweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada gudaha & dibedda ku dhaqan.
Waxgarad kala matalayey Beelaha Cayr, Sade, Saruur, Duduble, Murusade, Mudulood, iyo Sheekhaal, oo toddobaadyadii la soo dhaafay shirar aan loo kala kicin uga socdeen hoteellada Magaalada Muqdisho, ayaa ugu dambeystii waxay isku waafaqeen in gogosha dib-u heshiisiinta qabiillada gobollada dhexe la dhigo Caasimadda gobolka galgaduud ee Dhusamareeb.
Afhayeenka salaadiinta siddeeda beelood oo saxaafadda u akhriyey qodobbada war-murtiyeedka, ayaa dhammaan beelaha wada dega gobollada dhexe ugu baaqay iney ka soo qayb galaan shirka dib u heshiisiineed ee lagu baaqay.
Maamulka Dowladda Federaaliga ah ee Gobolka Galgaduud ayaa toddobaadkaan uga dhawaaqay magaalada Dhusamareeb, in shirka Maamul u sameynta gobollada dhexe ay gogoshiisu taallo magaalada dhuusamareeb, iyadoo maamulka degmada Cadaado ee gobolka galgaduud ay hore u iclaamiyeen in gogoshu ay taallo magaaladaasi.
Hoos ka daawo sawirrada hoolalka lagu diyaariyey degmada Dhuusamareeb.









