Puntand oo lasoo dar-daarantay mid ka mid wasiirada cusub ee DFS + Sawirro

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee Waxbarashada Dowladda Federaalka Somalia Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilko-Jiir) ayaa magaalada Garoowe loogu sameeyay kulan sagootin iyo dardaaran isugu jiray.

Kullankan oo ay soo qaban qaabiyeen Wasiiradii Maamulkii hore ee Puntland, maadaama uu ka tirsanaa Iljka-jiir ayaa waxaa lagu siiyay dardaaran dheer iyo in uu dhabarka u xerto sidii uu usoo dhicin lahaa saamiga Puntland ku laheyd  deeqaha waxbarasho ee Dowladda Somalia hesho.

Wasiirka cusub ee waxbarashada Somalia Cabdilaahi Axmed Jaamac (Ilko-Jiir) oo xaflada loo qabtay ku balan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii saamiga Puntland ay ku yeelato deeqaha waxbarasho ee laga helo dalalka caalamka in aysan ku qadi doonin ardayda Puntland.

Sidoo kale, wuxuu balan qaaday in dardaaran loo jeediyay inuu noqon doono mid uu ku taagnaado isla markaana fulin doono.

Puntland ayaa horay Dowladda Federaalka ugu tirsaneysay dhaliilooyin ay ka mid tahay in laga hor istaagay deeqo waxbarasho oo laga helay dalalka Suudaan iyo dalal kale, waxaana khilaafyadii hore ee Puntland iyo Dowladda Dhexe qeyb ka ahaa deeqaha waxbarasho.ilka-jiir-sagootin-1ilka-jiir-sagootin-2ilka-jiir-sagootin-3ilka-jiir-sagootin-4ilka-jiir-sagootin-5ilka-jiir-sagootin-6ilka-jiir-sagootin-7