26.2 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Maamulka Shariif Xasan oo laga tagay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka nasoo gaarayo ayaa sheegaya in si rasmi ah uu isku casilay Afhayeenkii Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya Siyaad Sheekh Cumar.

Afhayeenka ayaa xilkaani hayay Seddexdii bilood ee ugu dambeysay, kadib markii is Casilaadiisa uu u sababeeyay xiriir xumi kala dhexeysay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Afhayeenka oo Baydhabo ku qabtay Shir jaraa’id, ayaa waxa uu aad u dhaliilay Siyasaada uu xiligaani la daal dhacaayo Madaxweynaha Maamulka, isagoona ku eedeeyay ku tagrifalka awoodaha Beelaha.

Afhayeenka oo arrinkaasi si kulul uga hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Shariif Xasan wuxuu iska indho tiray ku dhaqanka Dastuurka. Wuxuu ku tuntay Dastuurkii, waana iga diiday in uu wax iga maqlo. Anigana waxaan go’aansaday inaan is casilo.”

Isagoo intaa kasii ambaqaadayo hadalkiisa ayaa waxa uu yiri “Madaxweynaha waxaan ku dhahay waa inaad soo magacawdaa Madaxweyne Ku Xigeen, wuxuu yiri waxaan soo magacaabi doonaa lix bilood ka dib. Sidoo kale wuxuu diiday in la dhiso Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed.”

Dhanka kale, waxa uu ka digay in Madaxweyne Shariif Xassan uu Odayaasha iyo Beelaha halkaasi wada dega u adeegsado awoodihiisa gaarka ah, isagoona ku taliyay in Beelaha ay dhacsadaan xuquuqda ay ku leeyihiin dhismaha Maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News