25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

“Xasan iyo Cumar Cabdirashiid waa la maxkamadenayaa” Waxaa sidaa yiri…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mustaf Mukhtaar Guudow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu sheegay inay la xisaabtami doonaan Madaxda Dowladda, iskaba daayee codka kalsoonida oo ay ugu yaboohaan Golaha Wasiirada.

“Xukuumaddaan anagu kalsooni siin mayno, kalsooni siin iska daayee cidii soo dhistay ee ka dambeysay ee sidaan u dhistay ka hari mayno. Waa Dembi Qaran.”

“Qolooyinkaan la magacaabay way iska taggayaan xaqiiqo weeye way baxayaan, cidii ka dambeysayna waxaanu la tageynaa sharciga, waan daba galeynaa, waan soo bandhigeynaa, kana hari mayno, miiskaan soo saareynaa.” Ayuu yiri Xildhibaan Mustaf Mukhtaar.

“Xukuumaddaan waxaa la yiraahdaa Musiibo Qaran, maaha Xukuumad Qaran. Waayo dadkii Somaliyeed waa lagu hungoobay, dadkii Somaliyeed way yaaban yihiin. Xildhibaanadii ayaa marwalba mooshin keenaaya ayaa la lee yahay.” Sidaasi waxaa yiri Mudanaha Baarlamaanka Somaliya ka tirsan.

“Waxaan idin cadeyneynaa shacabka Somaliyeedoow dalka & dibadda jooggee iyo inta Somaliya daneysa ee caalamka ah, arrintaan waaqiciga ah maanta meesha ka jirto, waa arrin Dembi Qaran.” Ayuu si adag u yiri Guudow.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxay intoodu badan ay ka horyimaadeen magacaabidda Golaha Wasiirada cusub, mana muuqato taageero badan oo Baarlamaanka ay ka heystaan.

Beesha Caalamka, ayaan qudheedu soo dhaween magacaabidda Golaha Wasiirada, marka laga soo taggo Urur Goboleedka Igad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News