Jaamac oo weerar culus ku qaaday FAHAD – ‘Amiirka qurba-joogta khawaarijta’

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa weerar adag ku qaaday agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin, kaddib qoraal uu Fahad dhowaan baahiyay oo u muuqday mid si toos ah u weeraraya wasiirkii hore ee gaashaandhigga.

Fahad ayaa qoraalkiisa ku eedeeyay “in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed saddexdii sano ee u dambeysay ay u gacan galeen shirqool uu soo maleegay dal carbeed, iyadoo la sheegay in qorshahaas ay fuliyeen laba qof oo xilal sare kasoo qabtay hay’ado awood u leh hirgelinta dano shisheeye, isla markaana adeegsaday habab arxan darro ah.”

Qoraalka Fahad wuxuu intaas ku daray: “Midkood, shisheeyuhu waxay ku guuleysteen in xilka Wasaaradda Gaashaandhigga loo dhiibo xilligii madaxweynihii hore, hase yeeshee wuxuu ku fashilmay fulinta shirqoolkaas, waxaana ka hor tegay Taliskii CXD ee waqtigaas. Nasiibdarro, isla Wasaaradda ayaa mar kale lagu soo celiyey si uu mar kale u furo waddadii qorshuhu maray. Midka kalena, wuxuu qabtay xilka ugu sarreeya ee Xoogga Dalka, iyadoo Madaxweynaha hadda jira uu u dhiibay.”

In kasta oo Wasiir Jaamac uusan ugu magacaabin Fahad Yaasiin si cad qoraalkiisa, haddana xubno ku dhow ayaa xaqiijiyey in fariintiisu si toos ah ugu socotay Fahad. Sidoo kalena, qoraalka ayaa si muuqata u muujinaya arrintaas.

Qoraalka Wasiir Jaamac:

“Wuxuu ahaa mid ka mid ah arxan laawayaasha daaha gadaashiisa ka koriya Khawaarijta hadba intii itaalkiisa ah, sabab la xiriirta in lagu soo anqariyay fikir-diimeed gurracan iyo caqiido gaaleysiin ku saleysan.

Markii uu mikrafoonka sida khaldan u qaatayna isaga oo aan meelna ku baran cilmiga saxaafaddana wuxuu ahaa buunbuuniyaha ugu wayn argagixisada, markii danbana waxeey ku guulaysteen in ay dawladnimada ku soo darsadaan si uu ugu adeego.

Inti uu dibindaabyada qaranka ku howlanaa ee uu dowladnimada ku dhex jiray wuxuu joojiyey dagaalkii tooska ahaa ee ku socday khawaarijta, wuxuuna qorigi dowladda u soo leexiyay gudaheeda.

Wuxuu khawaarijta u furay albaabo ay dhaqaalo ku sameeyaan wuxuuna u balaqay dhammaan albaabada dhaqaalaha sida suuqyada, bankiyada, xawaaladaha, dekadaha, airprt-yada ilaa uu u dhisay nidaam maaliyadeed ka dakhli badan kan dawladda.

Wuxuu kala shaqeeyay Khawaarijta in ay si ballaaran ugu milmaan hay’adaha dowladda si ay xogta gacanta ugu dhigaan.

Ugu dambaynna wuxuu kala shaqaynayay Khawaarijta in ay dalka la wareegaan ilaa isaga laga dhex bixiyay dowladnimada.

Alle mahadiis sadex sano ka dib dhamaan xargihi uu xirxiray waa la furfuray waana la fashiliyay damacaas.

Hadii aad is waydiineysaan qofkuu yahay, waa qofka kaliya ee dalkaan xil ka soo qabtay oo dakanada iyo dambiyada uu galay darteed baxsadka ka ah kana cararay.

Rajada kaliya ee u hartay waa in ay Khawaarijtu xoogaysato si isaga oo iyaga matalaayo uu siyaasadda ugu soo laabto, waana mid aan loo fadhin.

Marki afaraad ayuu qarankeygu igu maamuusay xil wasiirnimo oo uusan waligii hawaysan, waxa uu daacanayana waa cuqdad shaqsi ah iyo takfiirnimadi siyaasadeed ee diinta u aheyd.”