Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Axmed Madobe oo kulmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Jabriil Ibrahim Cabdulle, oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta kulan khaar ah la lahaa Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe).

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo in turro danta iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed oo meel aad fog laga keenay, iyo sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaalah.

Axmed Madoobe oo kulanka kasoo saaray qoraal kooban ayaa yiri “Saamileeyda Siyaasada dalka waxay muhiim u yihiin geedi socodka Doorashada iyo shirka lagaga hadlayo ee dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho.Waxaan arimahaas ka sheekaysanay musharax Madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kamid ah tartamayaasha xilka Madaxtinimada dalka.”

Mudane  Jabriil Cabdulle ayaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ku booriyay tanaasul, iyadoo loo hiilanayo danta dalka iyo mustaqbalka shacbiga Soomaaliyeed.

Jabriil Ibrahim Cabdulle oo ah xeeldheere mudo 27 sano ka badan ka shaqeynaayey dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed ayaa had iyo jeerba dadaal dheeri geliya daminta colaadaha iyo dhibaatooyinka dhex yaala qabaa’ilka Soomaalida.

Jabriil Cabdulle oo ah shaqi kasoo jeeda bulshada rayidka khabiirna ku ah dhismaha Dowladda wanaaga iyo arimaha dib u heshiisiinta ayaa magaaladda Muqdisho ka wada kulamo gaar gaar oo uu la yeelano siyaasiyiin xil doonka ah iyo madaxda Dowladda Federalka ah ee xiligoodu dhamaaday.