Dirir-Dhabe (Caasimadda online) – Muwaadiniinta udhashay dalka Jabuuti oo dhibaato kala kulmay Oromada ayaa maanta dowladoodu waxa ay billowday in ay kasoo saarto Magaalada Diri-dhabe ee Kilinka Shanaad ku taalla.
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay udirtay dadka Jabuutiyaanka ah ee xilligan jooga Diri-dhabe diyaarad gaar ah, oo la doonayo in lagu soo daadgureeyo.
Jabuuti ayaa Maanta magaalada Diridhaba ka soo daad guraysay ugu yaraan labo boqol oo ruux oo dalxiis u joogay magaalada Diridhaba, halkaas oo ay ka jiraan rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac.
Dhawaan ayay aheyd markii 9-ruux oo jabuuti kasoo jeeda ay kooxaha Oramada ku dileen Diri-dhabe.
Rabshadaha Diridhaba ayaa ku salaysan qoymiyado waxaana magaaladaas ku dagaalamay Soomaali iyo Oromo.
Caasimada Online
Xafiiska Dirir-Dhabe
[email protected]