Jabuuti (Caasimada Online) – Shacabka iyo Dowladda Jabuuti ayaa maanta si weyn ugu dabaal-degay sanad-guuradii 47-aad ee kasoo wareegtay maalintii ay ka xoroobeen gumeystihii Faransiiska, taasoo ku beegan 27-ka Juun.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay weheliso marwada Qaranka Marwo Khadra Maxamuud Xayd ayaa shacabka kala qayb-galay dabaaldegga. Munaasabaddan ayaa ka dhacday caasimadda iyo guud ahaan dalka Jabuuti, iyadoo lagu muujiyay midnimo, qaranimo iyo xusuus taariikhi ah oo ku saabsan halgankii loo galay xorriyadda, isla markaana lagu soo bandhigay dhoolatus ciidan oo xoog leh iyo hub casri ah.
Dabaaldegga ayaa muujinayay sida shacabka Jabuuti ugu faanayaan horumarka ay gaareen tan iyo markii ay xorriyadooda heleen sanadkii 1977. Maalintaas waxay xasuus gaar ah u leedahay shacabka Jabuuti oo si wadajir ah ugu mideysan qiimaha madax-bannaanida iyo halgankii dheer ee ay u soo mareen sidii ay uga bixi lahaayeen gacanta gumeystaha.
Intii uu socday dabaaldegga dowladda Jabuuti ayaa soo bandhigtay ciidamo kala duwan oo si heer sare ah u qalabeysan, gaadiid gaashaaman oo noocyo kala duwan ah iyo diyaaradaha dagaalka oo casri ah, oo ay ku muujiyeen horumarka ay Jamhuriyadu ka gaadhay dhismaha ciidankeeda iyo quwadaheeda amniga.
Dhinaca kale, shacabka Soomaaliyeed ayaa isna toddobaadkan u dabaal-degaya maalmaha taariikhiga ah ee xornimada, oo kala ah 26-ka Juun, 27-ka Juun iyo 1-da Luulyo. Maalmahan ayaa astaan u ah xorriyadda gobollada kala duwan ee dalka iyo midnimadii lagu dhisay Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Munaasabadaha xuska xornimada ee labada dal ayaa ah kuwo muujinaya taariikh wadaag, halgan mideysan iyo rajooyin qaranimo oo isku xiran.
Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ah laba dal oo walaalo ah, kuwaas oo sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga ah iyo iskaashiga kala duwan ee ka dhaxeeya labada dowladood.