Jabuuti oo diiwaan-gelisay kiisaskii ugu badnaa 24 saac gudahood ee Coronavirus

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Jabuuti ayaa maanta shacisay 156 kiis oo cusub oo cudurka Coronavirus ah, kuwaas oo laga diiwaan geliyay gudaha dalka.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda caafimaadka dowladda Jabuuti ayaa lagu sheegay in baaritaan la mariyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay 494 qof, isla markaana cudurkaas laga helay 156 qof oo ka mid ah dadkii la baaray.

156-ka kiis ah ayaa ah tiradii ugu badneyd ee kiisas COVID-19 ah oo Jabuuti ay diiwaan-geliso 24 saac gudahood

Tirada guud ee dadka uu ku dhacay xanuunkan ayaa mareysa dalka Jabuuti 591 xaaladood, sidoo kale dowladdu waxa ay sheegtay in 73 qof ay ka bogsadeen cudurkaas, labana ay u dhimatay. Dowladda ayaa xanuunkaas ka baartay in ka badan 6,000 oo qof.

Bandowga ku eg 28-ka bishan ayaa lagu soo rogay dalka, waxaana dhamaaday waqtiga bandow dhowr cisho ah oo horay loogu soo rogay dalkaas, balse lagu kor dhiyey mudo laba toddobaad ah, kadib markii ay sii badatay khatarta cudurka uu ku hayo dalka.