25.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Jahwareer ka taagan xaalada hogaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya C/qaadir Muumin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Muddo bilooyin ah, lama garanayo halka uu jaan iyo cirib dhigay hoggaamiyaha kooxda argagixisada ah ee Daacishta Soomaaliya, iyadoo dadku ay ku jiraan mala-awaal xilli ay howlgallo ka socdaan buuraha Cal-Miskaad ee Puntland, Soomaaliya.

Cabdulqaadir Muumin oo ah hoggaamiyaha kooxdan, ayaan wax muuqaal ah samayn muddooyinkii u dambeeyay, balse waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya inuu dalka isaga baxsaday, ayna suurtagal tahay inuu ku sugan yahay Sudan ama Mozambique.

Waxaa kale oo macquul ah in lagu dilay duqeymihii cirka, kooxduna ay qarinayso masiirkiisa si ay uga fogaato khilaaf iyo in aysan lumin taageerada dadka deegaanka. Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay meesha ka saarayaan suurta-galnimada inuu si toos ah uga qayb-qaadanayo dagaalka socda, marka la eego dhulka oo ah mid adag iyo da’diisa oo weyn.

Horraantii sanadkan, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa tilmaamay in suurtagal ay tahay in la khaarijiyay Muumin, balse ma jirto caddeyn la aamini karo oo arrintaas xaqiijinaysa, maadaama uusan Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) wax war ah ka soo saarin. Sannadkan oo dhan, Taliska AFRICOM wuxuu si isdaba joog ah u duqeynayay mintidiinta Daacish ee ku sugan buuraha Cal-Miskaad.

Taliye kale oo sare, oo lagu magacaabo Cabdiweli Maxamed Yuusuf, ayaa la sheegay in la qabtay bishii Luulyo 2025, inkastoo warar dambe ay tilmaamayaan inuu dhab ahaantii is-dhiibay. Wuxuu ahaa nin la saadaalinayay inuu la wareego hoggaanka kooxda.

Taasi waxay ka dhigeysaa Cabdiraxmaan Faaxiye, oo ah shakhsi aragtiyo kala duwan laga qabo isla markaana ah jihaadi dagaal-yaqaan ah, ninka hadda si buuxda u maamula Daacishta Soomaaliya. Waxaa la socda taliyayaal ajnabi ah oo ka soo jeeda waqooyiga iyo bariga Afrika, balse warkan weli la ma xaqiijin.

Mintidiinta Daacish waxay ka goosteen Al-Shabaab qiyaastii toban sano ka hor, waxayna la mubaayacoodeen khaliifkii Daacish Abu Bakr al-Baghdadi, oo ahaa hoggaamiyihii kooxdaas ee xilligaas.

Ka dib markii ay Al-Shabaab soo saartay hanjabaado, kooxdan oo uu hoggaaminayo wadaadka Salafiga ah ee caanka ah, horena uga tirsanaan jiray Al-Shabaab, Sheekh Cabdulqaadir Muumin, waxay u guureen dhulka buuraleyda ah ee bariga gobolka Puntland ee waqooyi-bari Soomaaliya.

Waxay deegaankaas ku dageen iyagoo adeegsanaya qabyaalad iyo xeelado kale. Al-Shabaab ayaa ka aargudatay, waxayna rag badan oo ka tirsanaa ku toogteen koonfurta dalka. Al-Shabaab waxay sidoo kale ku ugaarsadeen Buuraha Cal-Miskaad, iyagoo isku dayayay inay soo afjaraan kooxdan jihaadiga ah ee ay xafiiltamaan. Dagaalyahannada Muumin ayaa is-difaacay, waxayna ku qasbeen Al-Shabaab inay ka tanaasusho damaceedaas, ugu yaraan xilligan.

Laakiin kooxdu waxay sannadihii lasoo dhaafay ku soo badbaaday xaalado adag, oo ay sabab u ahaayeen dhulka oo dhib badan, khilaafyo gudahooda ah, iyo weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka. Waxay u kobceen si tartiib ah ilaa ay ku guuleysteen inay qortaan boqolaal dagaalyahan, oo intooda badan ay yihiin ajaaniib.

Waxay sidoo kale malaayiin doollar ka ururiyeen baad, lacagtaas oo ay u adeegsanayeen fulinta hawlgalladooda iyo xitaa taageeridda hawlgallada caalamiga ah ee Daacish. Sannadihii u dambeeyay, waxay tayeynayeen hubkooda iyo tababarradooda, waxayna qarka u saarnaayeen inay khatar weyn ku noqdaan guud ahaan gobolka, sida uu sheegay Harun Maruf, oo ah saxafi ruug-caddaa ah.

Mas’uuliyiinta Soomaalida ee deegaanka Puntland waxay dabayaaqadii sanadkii hore qaadeen howlgal ballaaran, iyagoo mintidiinta ka saaray inta badan saldhigyoodii waaweynaa iyo goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Daacish waxay ku weyday rag tiro badan dagaallo toos ah iyo sidoo kale duqeymo cirka ah oo ka kala yimid Mareykanka iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, oo ka caawinayay ciidamada Soomaalida.

Balse toban bilood ka dib, dagaalyahannada Daacish waxay weli halis ku yihiin ciidamada maxalliga ah, iyagoo adeegsanaya walxaha qarxa ee IED-yada loo yaqaan iyo xeeladaha dagaal-ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaqa ah.

Haddana, saadaashu waxay weli u badan tahay in Puntland ay kaga adkaan doonto dagaal xooggan oo loo wada dhan yahay. Laakiin, sidoo kale layaab ma noqon doonto haddii ay mintidiintu ku guuleystaan inay dagaalka sii jiidaan sannado badan, ayna ugu dambeyntii daaliyaan ololaha ka dhanka ah.

- Advertisement -

Read more

Local News