Jahwareer siyaasadeed oo ka taagan Somaliland iyo xaaladda oo kacsan

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyey Xeerka Horumarinta Wadooyinka oo horay Wasaaradda Madaxtooyadu ugu soo gudbisay kaas oo canshuuro dheeri ah ku soo rogaya Gaadiidka iyo Xoolaha laga dhoofiyo Dekeda Berbera.

58 Xildhibaan ayaa u codeeyey xeerkaas waxaana diiday 8 mudane halka 3 kalena ka aamuseen taas oo meesha ka saaraysa rajadii laga qabay in mudanayaasha Golaha Wakiiladu dib ugu celiyaan xeerkaas  Aqalka Madaxtooyada.

Inta badan Bulshada reer Soomaaliland, Xisbiyada mucaaradka, Xubnaha matasha wadatashiga  iyo Xildhibaanadii ka soo horjeeday waxay ku doodayaan in xeerakani dhabar jab ku haya dhaqaalaha iyo  dadka danyarta ah hadii uu hirgalo maadaama uu canshuuro xad dhaaf ah ku soo rogayo .

Mudaharaad dhici soobay.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID & Wadani ayaa ugu baaqay taageerayaashooda inay qabtaan mudaharaad looga soo horjeedo xeerkaas maanta oo ku taariikhaysan 24 Sep, 2014 .

Warqad ay si wada jir ah ugu qoreen Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayey kaga codsadeen in loo ogolaado inay qabtaan mudaharaad nabdeed kaas oo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan xeerkaas .

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa ku gacansayray dalabka uga yimi Xisbiyada mucaraadka isagoo ku sheegay warqad qoraal ah oo uu u diray inaysan qaban karin wax mudaharaad ah.

Markii aan eegay Dastuurka Somaliland Qodobkiisa 32aad iyo Xeerka ilaalinta Nabadgelyada guud qodobkiisa 10aad farqadihiisa 1, 2 iyo 3aad waxaa noo cadaatay in aanu mudaharaadkiinu waafaqsanayn qodobadaas kor ku xusan sidaa darteed Wasaaradda Arrimaha Guduh idiin ma ogolaan doonto wax mudaharaad aha,Aayaa lagu yiri qoraalka Wasiir Warancade.

Hanjabaad cusub

Xisbiyada Somaliland ayaa maanta ku goodiyey inay qaadi doonaan talaabo kasta oo suurtagal ah hadii Madaxweyne Siilaanyo saxiixo xeerka horumarinta wadooyinka iyagoo sheegay inay Tuulo, Degmo iyo Magaalo kasta ka oogi doonaan banaanbaxyo .

Waxay ku eedeeyeen shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen magaalada Hargaysa in Madaxweyne Siilaanyo markii uu ahaa mucaraadka uu maalinkasta mudahaaryo soo abaabuli jiray halka uu markii xafiiska loo doortay uu bilaabay cago juglayn iyo caburin joogta ah .

Mucaaradka Somaliland ayaa si weyn u ugu eedeeya Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inay tahay mid ay daashadeen musuq maasuq baahsan iyo waxqabad la’aan taasina ay horseeday in qadiyadii gooni u goosadku fashil ku dhowaato .

Caasimada Online

Xafiisa Hargeysa

Caasimada@live.com