SAWIRRO: Wasiirka arrimaha Gudaha Somalia oo booqanaya dalka Ciraq

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane C/kariim Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa kulamo muhiim ah la qaatay  Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Ciraaq Mudane Nuuri Al-maaliki oo ay kawada hadleen xiriirka iyo iskaashiga labada wadan oo dhinacyo badan taabanaayo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa sidoo kale la kulmay dhigiisa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq Mudane Cadnaan Al-haadii Al Asadii waxeyna ka wada hadleen iskaashi labada wasaaradood ee xaga amniga,in dowlada ciraaq ay si buuxdo soomaaliya uga taageerto sidii loo xoojin lahaa  hay’adaha amniga iyo inay is-weydaarsadaan macluumaadka amniga iyo waxyaabo kale oo badan.

guuleed ciraq 1guuleed ciraq 2guuleed ciraq 3guuleed ciraq 4guuleed ciraq 5