Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo uu wehliyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Howlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee Horumarinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada, Mr. George Conway ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta Hay’adda SODMA, isaga oo baaq kasoo saaray xaaladda dalka.
James Swan iyo George Conway ayaa waxaa xarunta hay’adda si diiran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SODMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo warbixin guud ka siiyay xaaladda adag ee abaaraha iyo dadaallada gurmadka ee ay waddo xarunta.
Labada dhinac ayaa yeeshay kulan gaar ah oo diiradda lagu saaray xaaladaha abaareed ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa gurmadka loo fidinayo dadka nugul ee ay saameeyeen abaaruhu, iyaga oo kadib wada qabtay shir jaraa’id.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo madasha ka hadlay ayaa ku baaqay in la xoojiyo midnimada iyo wadajirka bulshada, si looga gudbo xaaladda abaareed ee dalka.
Sidoo kale wuxuu ballan qaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya xaaladaha bini’aadannimo.
Waxaa kale oo uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la helo dhaqaale si loo xoojiyo howlaha gurmadka bini’aadannimada, isaga oo xusay in qaabkii gargaarka caalamiga ah loo bixin jiray uu isbeddelay 18-kii bilood ee la soo dhaafay, gaar ahaan dhinaca deeq bixiyeyaasha.
Dhankiisa Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay James Swan booqashadiisa, wuxuuna xusay in abaaruhu ay ku sii fidayaan gobollo badan oo dalka ah, isaga oo ugu baaqay shacabka iyo ganacsatada inay door muhiim ah ka qaataan gurmadka dadka ay saameeyeen abaaruhu.
Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada, waxaana meelaha qaar laga soo warinayaa inay jirto dhimasho.


