James Swan oo digniin culus kasoo saaray doorashada Somalia iyo ‘qorshaha’ DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan oo shalay hadal ka jeediyay Shirka iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ayaa ka hadlay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka oo muddooyinkii dambe uu ka taagna khilaaf xoogan.

James Swan ayaa sheegay inay muhiim tahay in heshiis loo dhan yahay laga gaaro arrimaha doorashooyinka, isla markaana la qabto doorasho ay u dhan yihiin saamileyda Siyaasiyada, xilli lasoo warinayo inay Villa Somalia wado qorshe midaasi ka gedisan.

Caasimada Online ayaa ogaatay in dowladda federaalka Soomaaliya ay isku dayeyso in maamul goboleedyada taageersan ay ka billowdo howlaga doorashada, taasi oo mucaaradka ay ka digeen.

Villa Somalia ayaa dhawaan mucaaridku ku eedeeyeen inay wado qorshaha doorasho boob ah oo aysan raali ka aheyn musharaxiinta mucaaridka, maadama ay dhagaha ka fureysatay cabashadoodii ku aadaneyd guddiga doorashooyinka ee lagu muransan-yahay.

James ayaa dowladda federaalka ugu baaqay inay shir la yeelato dowlad goboleedyada dalka, si loo xaliyo tabashooyinka taagan, maadama qaar kamid ah madaxda maamuladu ay cabasho ka qabaan hanaanka dowladda.

Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in doorashada laga qeyb geliyo cid walba oo xaq u leh, isla markaana ay dalka uga dhacdo doorasho loo dhan yahay.

Hadalka Swan ayaa imanaya xili uu maanta ra’iisal wasaare Rooble uu shaaciyey in todobaadka soo socda uu Muqdisho ka furmi doono shir u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada, kaas oo looga arrinsanayo doorashada.

Sidoo kale waxa uu kusoo aadaya xili uu muran xoogan ka taagan yahay arrimaha doorashooyinka, isla markaana ay mucaaridku magacaabeen guddi doorasho, halka ay xukuumaddu ku madax adeygayso guddiyada doorashada ee lagu muransan-yahay.