James Swan oo fariin u diray Farmaajo iyo siyaasiyiinta kale ee Somalia (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xogyahaha guud ee Qarmada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb. James Swan oo maanta ka qeyb-galay Munaasabadda Maalinta caalamiga ah ee Haweenka ayaa farriin la xiriirta kaalinta haweenka Soomaaliyeed u diray siyaasiyiinta Soomaaliya.

Fariinta Swan oo u muuqata mid si gaar ah ugu socota madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday iyo saamileyda siyaasada, gaar ahaan madaxda gobolada ayaa sheegay in muhiim tahay in la ixtiraamo ballan-qaadkii la sameeyay ee ahaa hirgelinta qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyay marka la dooranayo wakiilada Aqalka Sare iyo Baarlamaanka 11-aad.

“Sanadihii la soo dhaafay oo dhan, haweenka Soomaaliyeed waxay door aan caadi ahayn ku lahaayeen dib-u-heshiisiinta, nabadaynta, iyo horumarka,” ayuu yiri James Swan.

Waxa uu intaas kusii daray “Wada-hadalka aan la yeesho dadka Soomaalida, waxay intooda badan ii sheegaan in haweenku ay yihiin laf-dhabarta bulshada Soomaaliyeed. Waxaa la joogaa waqtigii arrintan la aqoonsan lahaa looguna bedeli lahaa wax-qabad iyo fursado la taaban karo oo haweenka Soomaaliyeed ay uga qaybqaadan karaan go’aan qaadashada siyaasadeed iyo inay sare u qaadaan awooddooda hoggaamineed”.

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxay ka marqaati kaceen dadaallada baaxadda leh ee haweenka Soomaaliyeed ee ku biiray dadaallada waxqabadka qaran ee lagu ilaalinayo bed-qabka qoysaska iyo bulshada, ayada oo Swan ku baaqay in laga dhabeeyo kaalinta haweenka ee heshiiskii siyaasadeed.

“Iyadoo la bogaadinayo adkeysiga haweenka, haddana waa in aan xasuusnaano in Soomaaliya iyo meelo kale oo ka mid ah dunida, uu cudurku (COVID-19) si xad-dhaaf ah u saameeyo haweenka iyo gabdhaha, maadaama ay wajahayaan hubanti la’aan dhaqaale oo sii kordheysa, rabshado, iyo amni-darro. Wax badan ayaa loo baahanyahay in laga qabto dhanka ka-hortaga iyo sidoo kale in la hubiyo inay jiraan adeegyo ku filan oo loo heli karo dhibbanayaasha iyo kuwa kasoo badbaada”.

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka oo ku beegan maanta ayaa laga xusayay adduunka oo dhan laga soo billaabo 1975kii, wuxuuna ahaa hal-kudhigga sanadkan ‘Haweenka hoggaanka haya: Xaqiijinta mustaqbal loo siman yahay iyadoo dunida uu ka jiro cudurka COVID-19’.

Madaxda u sareysa ee Soomaaliya ayaa heshiiskii ay September ku gaareen magaalada Muqdisho ku saxiixay qoondo u gaar ah haweenka, midaasi oo ay saaxiibada beesha caalamka soo dhaweeyen, hase yeeshe ma muuqato hanaankii loo mari lahaa, maadama dalka ka taagan tahay xaalad cakiran oo la xiriirta doorashada.