26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

QM oo shaacisay inay caqabado badan wajahaan haweenka Soomaaliyeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya, James Swan ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu uga hadlayo maalinta caalamiga ah ee haweenka adduun ee sideeda Maarso.

James ayaa qoraalkiisa ugu horreyn ugu hambalyeeyey haweenka adduunka iyo kuwa Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in aan la xaqiri karin doorka ay ku leeyihiin bulshada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo u nugul dhibaatooyinka ka jira dalka, islamarkaana ay la kulmaan caqabado aad u badan.

Halkaan hoose ka aqriso:

Haweenka Soomaaliyeed waxay waxqabad muhiim ah ka geysteen dib-u-dhiska Soomaaliya oo iyadu kusii socota tubta nabadda iyo xasilloonida” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. “Waxay muujiyeen geesinimo aad u weyn, adkeysi iyo dadaal iyagoo wajahaya caqabado badan, oo ay ku jiraan colaado daba-dheeraaday, amni darro, musiibooyin dabiici ah iyo xasillooni darro siyaasadeed.

Nasiib darro, doodaha amniga ee khuseeya haweenka ayaa inta badan ku tilmaama inay yihiin dhibanayaal waana yartahay in lagu tilaamo inay yihiin wakiilo firfircoon oo muhiim u ah hagaajinta xaaladda amni ee naftooda iyo dadka kaleba. Waa in arrinkaas is-bedelo,

Hal-kudhigga  sanadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa ah ‘Waxaan ahay Jiilka Sinaanta: Xaqiijinta Xuquuqda Haweenka.’ Ka-hor doorashada Soomaaliya ee soo socota ee qof-iyo-codka’ ah, Bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya waxay ku boorineysaa dhammaan saamailayda Soomaaliyeed ee hawshu khusayso, gaar ahaan hoggaanka siyaasadeed, inay taageeraan matalaadda haweenku ku leeyihiin siyaasadda iyo go’aan gaarista, iyo inay dammaanad qaadaan in sinnaantu noqoto xaqiiqo dhab ah oo kamid ah nolosha dhamaan dadka Soomaaliyeed, iyadoon loo eegin jinsigooda. Sidaas darteed, Qaramada Midoobay waxay si xooggan u taageereysaa qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiiba 30 ee matalaadda baarlamaanka.

Qaramada Midoobay waxay sidoo kale dhiirrigelinaysa dadaalka dardadrgelinta leh ee madaxda qaranka ku bixinayaan Hindise-Sahrciyeedka Xadgudubka Jinsiga ee qabyada ah iyo Hindise-Sharciyeedka Gudniinka Gabdhaha, oo asaas u ah ilaalinta xuquuqda haweenka ku nool Soomaaliya.

In haweenku si siman u helaan xuquuqda, fursadaha iyo ka-qaybgalka waa astaan muhiim u ah xaqiijinta ajandaha horumarinta qaran ee Soomaaliya,” ayuu yiri Md. Swan. Taas waxay ku imaan kartaa oo kaliya tallaab wadareed ay qaadaan dhamaan dadka, oo ay ku jiraan dadka talada haya.

- Advertisement -

Read more

Local News