Wasiir xigeenka arrimaha gudaha Jubaland ‘oo isku dhiibay’ DF Soomaaliya

Doolow (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa sheegay in wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland uu gelinkii dambe ee maanta isu soo dhiibay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Sida ay sheegeen saraakiisha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo ka tegay Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa gaaray Degmada Doolow, isagoona isu dhiibay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Wasiir ku-xigeenka uu iska soo dhiibay halka loo yaqaano Suufka ee Itoobiya xigta, ka dibna loo soo gelbiyay Degmada Doolow, oo iyana looga sii gudbiyay dhinaca Degmada Beled Xaawo.

“Suufka oo dhanka Itoobiya ah ayuu iska soo dhiibay. Doolow Somaliya ayaa loo soo gudbiyay, Salaaddii Maqribka ayaana loo kaxeeyay Degmada Beled Xaawo,” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle oo la hadlay warbaahinta Dhacdo.

Ma jiraan ilo-wareedyo si madax banaan u xaqiijin kara sheegashada ciidamada dowladda. Maamulka Jubaland oo aan wax ka weydiinay arrintanna waa ay ka gaabsadeen.

Tallaabada uu isu soo dhiibay ayey saraakiishu sheegeen inay ka dambeysay markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).

Arrintan ayaa waxay ku soo aadaysa iyadoo maanta uu Madaxweyne Axmed Madoobe ku baaqay in Dowladda Federaalka, ay ciidamadeeda kala baxdo Gobolka Gedo, ayna isugu yimaadaan miiska wadahadalada.