JAWAAB laga bixiyey gefkii uu Faysal Cali Waraabe u gaystay beesha Dhulbahante

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax oo warbaahinta u warramayey ayaa ka fal-celiyey hadalkii guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID, Faysal Cali Waraabe, kaas oo ahaa in Baashe iyo Axmed Karaash ay culeys weyn ku hayaan maamullada Somaliland iyo Puntland.

Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in aan loo dul-qaadab karin hadalkaasi, wuxuuna tilmaamay in uu ka muuqdo nacayb iyo qabyaalad, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inay dambi qaran tahay in qof ah guddoomiye xisbi inuu ka shaqeeyo isku dirka yo kala fogaynta beelaha Somaliland.

Waxa kale oo uu guddoomiyuhu hoosta ka xariiqay in guddoomiyaha xisbiga UCID uu si gaar ah u neceb yahay beelaha Harti iyo Daarood oo ka mid ah beelaha Somaliland.

“Faysal waan ku ogaa inuu neceb yahay beelaha Harti iyo Daarood, sababta uu u neceb yahayna waxay tahay wuxuu ku qarinayaa dhibaatadii uu Xamar ka sameeyay iyo dhibkii uu u geystay beelaha Soomaaliland degan,” ayuu yiri guddoomiye Baashe Maxamed.

Ugu dambeyn guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland ayaa xusay in Faysal Cali Waraabe hadalka xanafta leh uu ka keenay, kadib markii uu ka carooday inuu saxiixay xisbigiisa iyo xisbiyada kale in 50% laga gooyo lacagihii uu maamulku siin jiray, si loogu gaabo xarumaha caafimaad ee lagula tacaalayo dadka uu soo ritay cudurka Covid-19.