Jawaab: Maqaalkii “Caqliga reer Koofureedka iyo Cadhada reer Waqooyiga”

Walaal xuseen waxaan kugu salaamayaa adiga iyo akhristayaasha qiimaha leh ee Caasimada Online salaanta Islaamka oo qaaliga ah “Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi wa barakaatahu”.

Waxaan aqriyey maqaalkii aad ugu magac dartay “Caqliga reer Koofureedka iyo Cadhada reer Waqooyiga” Caasimada Online. Inta badan waan kugu raacsanahay waxa aad ku qortay maqaalka iyo fakirkaada saliimka ah. Anigu waxaan dhashay isku darka ka dib, haseyeeshee, waxaan jeclahay inaan gabood falka dhacay wax yar faalo aan ka bixiyo.

Markaan la sheekaystay odayaashii waagaa joogay ama aan dhagaystay wareysiyadii lala yeeshay waxgaradkii waagaa joogay ama u dhunduleelay siyaasadda dalkii laysku odhan jidhay Soomaaliya (waqooyi iyo koofur), waxaa ii soo baxay wax yaalahaan:

  1. Sidii ay reer waqooyiga u jeclaayeen midnimada Soomaaliya ayaa sidoo kale reer koofurtana u jeclaayeen, hayeeshee khalad ay sameeyeen siyaasiyiintii reer waqooyiga oo si sharuud la’aan isku darka labada gobol sabab u eheyd bilowgiiba khaladka dhacay. Sidaas waxaad ku garan kartaa, diidmadii Aden Abdulle oo uu ku yidhi wafdigii reer waqooyiga bal marka hore muddo kooban la noqda midnimada oo qola walba marka hore ha is tijaabiso. Anigu waxay ila tahay Aden inuu diidaneen midnimada laakin waxuu doonaayey reer waqooyiga sharuud inay la yimaadaan. taasi waa lala garan waayey oo waxaa loo qaatay nin dibusocod ah oo gumaysiga la jiro, aakhirkiina Aden waa laga guulaystay (Wareysi uu bixiyey Abdullahi Koongo – Horn cable).
  2. Koofurta waxaa ka jiray laba koox oo siyaasad ahaan iska soo horjeeday oo kala hogaaminaayey Aden Abdulle iyo Sheekh Jimcaale, labaduna waxay ka soo jeedeen qabiilka hawiye.
  3. Aden Abdulle wuxuu iskaashi la lahaa Daarood, halka sheekh Ali jimcaale uu la lahaa soomaalida kale side dir. Waana taa Aden uu u diidanaa midnimada aan sharuudda lahayn. Dabcan Aden markii la doortay wuxuu ra’isal wasaare u magacaabay 2 siyaasi oo qabiilka majeerteen ka soo jeeday (Abdirashid iyo Abdirizaq), si uu u ilaaliyo iskaashiga ka dhaxeeyey. Marka halkaas waxaa lagu xadgudbay xuquuqdii reer waqooyi. waa tii ay abgaal ka shirbeen ayagoo ka xun arintaas “mar rashiid mar rizaaq inta kale ma rootibaa”.
  4. Sheekh Ali Jimcaale iyo Mohamed Ibrahim Egal xisbi mucaarad ah ayey samaysteen (SNC), waxayna isbahaysi la yeesheen Dr. Abdirashiid Ali Sharmarke oo markuu madaxweyne noqday Mohamed Ibrahim Egal u magacaabay Ra’isul wasaare, Hadaba eeg arintu inay eheyd siyaasad, oo isbahaysigii guulaystaba uu magacaabaayey oo keliya qof ka soo jeeda isbahaysigiisa, sida addunyadaan casriga ahba ay ka dhacdo. Waxaasna waxaa sabab u ahaa midnimada sharuud la’aanta ah oo haddii sida Aden uu doonaayey la yeeli lahaa, waxay qasab noqon lahayd haddii nin reer koofur ku guulaysan lahaa madaxweyne,  nin reer waqooyina waxaa laga dhigi lahaa Ra’isul wasaare (sidaas cagsigeedana waa sax)… Taasi ma dhicin, sabab midnimo sharuud la’aan.
  5. ma jirin qodob dastuuri ah oo diidaayo in reer waqooyiga ay isu soo sharxaan madaxweyne soomaaliyeed.
  6. Aan u soo laabto taliskii militariga ahaa, taliskaas qaabka wax loo qaybsaday wuxuu ahaa sidaan: shanta golaha fulinta waxay ka koobnaayeen 3 reer koofur iyo 2 reer waqooyi, Maxamed Siyaad, Cali Samatar iyo Xuseen Kulmiye (reer koofur), Ismaaciil Cali Abokor iyo Axmed Saleebaan Dafle (reer waqooyi), sidaas soo uma eka caddaalad. si kale aan u dhigo 2 darood (Mohamed Siyad iyo Dafle), 2 Irir Samaale (Kulmiye iyo Ismaaciil)  iyo 1 Gabooye (Samatar).
  7. Taliskii militariga waxuu gumaaday cid walba oo ka hortimid xukunkiisa, waxaane awoodda oo idil gacanta ku dhigay Maxamed Siyaad Bare oo ahaa keligii taliye, inta kalana waxay ahaayeen maqaarsaar. Ciddii ka hortimid xukunkiisana uma aaba yeelaynin oo wuu gumaaday xataa haddii uu noqdo inankuu dhalay sida ay sameeyeen kaligii talislayaashii dunida soo maray. – wuxuu ka bilaabay majeerteen, markii askar ka soo jeeday asal ahaan qabiilkaas (Abdullahi Yusuf iyo Ciro) ay isku dayeen inqilaab dhicisoobay. Wuxuu gumaaday shacabkii masaakiinta ahaa, wuxuuna u gaystay wax walba oo ka dhan ah xuquuqda bani’aadanka sida dil, dhac, kufsi iyo boob, wuxuu xataa ka gubay ceelashii oo ay reer miyiga ay isticmaali jireen. – Taliska wuxuu si arxan la’aan u gumaaday maatidii Isaaq (ma aha Somaliland oo dhan, ileen Harti, Samaroon, Ciise, Gabooye iwm. kuma jirin gumaadka) goortii shaqsiyaad u dhashay isaaq ay ka soo horjeesteen taliska. – wuxuu gumaaday qabaa’il fara badan sida qabaa’ilo ka mid ah hawiye iyo ogaadeen oo markii hore bahwadaag ahaayeen (abti bay u yihiin) ilaa uu ka dhacay halaagii lagu baaba’ay oo ilaa iminka aan guranayno mirahiisa.
  8. Waxaa mahad Alle ah, Somaliland iminka inay nabadi ka jirto, inkastoo meelaha qaarkood ay khilaaf ka jiraan (sida Sool iyo Sanaag), waxaan ku boorinayaa inay horumar ku talaabsadaan, xaliyaana khilaafka jiro.
  9. koofur waxaa weli ka taagan fitno oo wali ma degin. Marka qaabka ay hadda wax u socdaan waa qaab aan ku dhisneen caddaalad sida ku cad qaybsiga kuraasta oo lagu saleeyey nidaam qabiil oo ah 4.5, nidaamkaan uma kala soocna koofur iyo waqooyi, laakin waa dir, daarood, hawiye, digil & mirifle iyo inta kale. Bal u fiirso, looma eegin degaan iyo tiro badnaan midna oo qaabkaan waxaa ku dulman dad aad u tiro badan, balse waxaa loo arkay xal.
  10. Soomali (koofur iyo waqooyi) iminka talo kama go’do oo waa loo taliyaa, sababtana waxa weeye dad tafaraaruq ah oo aan dhaqaale iyo cudud ahaan isku filneen (labadaba waxaa u tallya beesha caalamka oo Ethiopia hormuud ka tahay), marka waxaa ila haboon walaalaha waqooyi inay sugaan ilaa koofur ay ka helayso madaxbanaani buuxda (xaq siyaasad, amaan iyo dhaqaale), kadibna laga wada hadlo in midnimadii la soo celiyo iyadoo markaan sharuudaysan ama la noqdo laba waddan oo jaar iyo walaalo ah.

Wabillaahi tawfiiq.

FG

Walaal waxaan cudurdaar ka bixinayaa haddii jawaabta aan bixiyey cid aan wax ugu dhimay, waxaane jeclahay inaad u qaadatid inay tahay argti shaqsi oo qudha.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com