Jawaab uu bixiyay Biixi oo xiisad ka dhex abuurtay ganacsato iyo DP World

Berbera (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Berbera ayaa sheegaya in maalintii lixaad ay hakad ku jiraan dhaqdhaqaaqii ganacsi ee dekadda Berbera, kadib markii go’aan dhawaan uu kasoo baxay maamulka shirkadda DP World.

Xiisad ayaa ka taagan dekadda Berbera, taasi oo ka dambeysay kadib markii shirkadda DP World ay 12 Bishaan Maarso ay soo saartay go’aan wax looga badalay lacagaha laga qaado ganacsatada adeegsata dekadda iyo markii la kordhiyay qiimaha Sarifka Doolar.

Ganacsatada adeegsata dekadda magaalada Berbera oo ka carooday go’aanka dhaqan galay ayaa guddi iyaga matalaya iyo xubno ka socday rugta Ganacsiga Somaliland waxay la kulmeen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxaana kadib la sheegay inay ka heleen go’aan aysan ku farxin, kaasi oo ahaa in Shirkadda DP World ay maalgalisay dekadda islamarkaana go’aanadeeda ay iyada u madax banaan tahay.

Arintaasi ayaa ka careysiisay ganacstada, waxaana la sheegay inay joojiyeen shaqadii ka socotay dekadda Berbera iyo adeegyadii ay kala so dagi jireen, waxaana joogsaday shaqadii dekadda maalintii lixaad.

DP World ayaa shalay sheegtay in muddadii ay gacanta ku heysay Dekadda Berbera ay ku maalgelisay $12Milyan oo doollarka Mareykanka ah, lacagtaas oo qeyb badan oo ka mid ah dekadda dib u habeyn loogu sameeyay sababtayna in uu dakhliga dekadda sare u koco.

Dhawaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka careysan heshiiskii dekadda berbera ayaa tagay magaalada Dubai, isaga oo kulamo la qaatay madaxda Imaaraatka iyo shirkadda, waxaana muuqata inuu isbadalay go’aankiisii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com