25.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

JAWAARI oo hadal uusan ku farxain u sheegay Saacid, kadib kullan xasaasi

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen ilo kusugan madaxtooyada Soomaaliya waxaa xalay Kulan Xasaasi ah Madaxtooyada ku yeeshay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay Dalka Dib ugu soo laabtay iyo R/Wasaare Saacid.

Kulanka labada dhinac ayaa ahaa mid xasaasi ah oo ilbaabada u xirnaayeen waxaana aad u yar xogaha laga heli karay kulanka labada Masuul , hasa ahaatee xildhibaano wax badan kulankaasi kala socday ayaa noo xaqiijiyay in diirada lagu saaray Khilaafka Madxaweynaha iyo R/Wasaaraha iyo sida xaalka ku dambeyn doono.

Wararka  laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaaari uu R/Wasaare Saacid ku qanciyay in uu iscasilo maadama Xildhibaano aad u badan ay saxiixeen Mooshinka lagu ridayo.

R/Wasaare Saacid ayaa loo sameeyay balan qaadyo kala duwan hadii uu iscasilo kahor inta aan codka kalsoonida loo qaadin , laman aga in Raizul Wasaaraha uu aqbalay balan qaadayada loo sameeyay ee ku xiran iscasilaadiisa.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha amuurtan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Caasimada Online

Xafiska Muqdiho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News