Sanca (Caasimada online) Madaxweynaha dalka Yemen Cabdi Mansuur Hadi oo waraysi siiyay wargeyska Sharqul Awsat ayaa ka hadlay tirada qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi iyo shaqooyinka qaabka ay ku helaan.
Madaxweynaya ayaa sheegay in maalmo ka hor shir looga hadlayo arimaha qaxootiga uu ka dhacay dalkaasi Yemen, kaasi oo ay ka qeyb galen ururo caalami ah oo ku shaqo leh arimaha qaxootiga, iyadoo kulankaasi looga hadlayay sidii wax loogu qaban lahaa qaxootigaasi.
“Waxaa hadda nala jooga 1.1 milyan oo qaxooti Soomali ah waxaay halkaan ku heystaan shaqooyin oo ka caawiya dhibaatootinka heysta inkastoo shaqo la’aan ay ka jirto dalkaan, waxaana maalmo ka hor qabanay kulan loga hadlayo arimaha qaxootiga”ayuu yiri madaxweynaha Yemen.
Qaxootiga ugu badan ee ku sugan dalkaasi Yemen ayuu sheegay inay u kala dhasheen dalalka Soomaaliya iyo Eritrea iyadoo ay ku jiro tiro qaxooti Sudan iyo Ethiopian ah, kuwaasi oo dalalkooda sababo jiro dartood uga cararay.
Madaxweynaha dalka Yemen ayaa sheegay in gobolada dalkiisa ay ku bateen dadka qaxootiga ah ee ka kala imaanaya dalalka Africa isagoo sheegay inay u bahan yihiin in lagaa caawiyo sidii dadkaasi wax loogu qaban lahaa.
Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday ururada xiriirka la leh Alqaacida iyo burcad badeed, isagoo sheegay inay ku sugan yihiin dalkaasi oo caalamka kamid ah, isagoo sheegay in marar badan duqeymo ay dalkiisa ka dhaceen kuwaasi oo lala eegtay ciidamada amaanka ee dalkaasi Yemen.
Caasimada online
Xafiiska Sanca

