Nairobi (Caasimada online) Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay qeyb ka tahay howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda Somalia ah ciidamo badana ay ka joogaan xeebaha Somalia.
Afhayeenka ciidamada Kenya Major Emmanuel Chirchir ayaa sheegay inay ciidamo kuwa badda ah iyo maraakiib dagaal ay usoo direen xeebaha Soomaaliya si ay uga illaaliyaan burcad badeeda Soomaaliyeed.
Waraysi uu siiyay wakaaladda wararka Shinwa ee Shiinaha laga leeyahay ayuu ku sheegay in ciidamadooda badda ay ku biireen ciidamada caalamiga ah ee biyaha Soomaaliya ku sugan.
Major Emmanuel Chirchir wuxuu sheegay in ciidamadooda ay iminkaba howlo rondo ah ka bilaabeen xeebaha Soomaaliya gaar ahaan xeebaha magaalada Kismaayo ka ag dhaw halkaasoo uu sheegay in dhawr jeer burcad badeedu afduub ka geysteen.
“Ciidamadeena badda waxay hadda ka mid yihiin ciidamada la dagaalama burcad badeeda waana ka hor tagaynaa weerarada burcad badeeda haddii ay isku dayaana xoog ayaan u adeegsan doonaa” ayuu yiri Emmanuel Chirchir oo ah afhayeenka ciidamada Kenya.
Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay dalalka ka mid noqonaya howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Somaliada ah ee Atlanta , waxaana tiro koob dhowaan la sameeyay lagu sheegay in sanadihii ugu dambeeyay ay hoos usii dhacayeen weeraradii ay geysan jireen Burcad bacdeeda.
Dad badan ayaa aaminsan in dowlada maraakiibta usoo diraya Somalia aysan dooneyn la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliyeed balse ay guranayan qeyraadka dalkeena .
Dowlada Somalia waxay dhowana ku baaqday in iyada lasii qarashka lagula dagaalamayo burcad badeeda Ciidamadeeda badana la tayeeyo si iyaga ay u ilaaliyaan xeebaha Somalia.
Caasimada online
Xafiiska Nairobi

