Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Khilaaf uu ka dhex curtay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusman Jawaari.
Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay fashilkii Xukuumada R/W CCC kaga imaaday dhanka BF, kaasi oo Xasan Sheekh uu aaminsan yahay inuu gadaal ka riixaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Sidoo kale, Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ayaa rumeysan in Jawaari uu taageersan yahay caqabadaha heysta Xukuumada cusub, oo sida la sheegay laga reebi doono wasiiro badan oo taagersan Xasan Sheekh.
Sida ay xogtan sheegeyso, Madaxweynaha ayaa ugu carreysan Jawaari inuu siin diiday waqti dheeri ah xukuumaddii dhacday, s ay xildhibaano badan taageero uga raadiyaan, taasi oo keentay in xukuumadda la kala diro.
Siyaasada cusub ee Jawaari ayaa la sheegay inay ka dhalatay markii uu Xasan Sheekh aqoonsaday Maamulka Koofur Galbeed ee Shariif Xasan oo uu Jawaari horay u diiday iyadoona ay xusid mudan tahay in Jawaari uu ku gacanseeray dhowr codsi oo kaga imaaday dhanka Madaxweynaha kaasi oo ku saleysnaa xalinta Buuqa wasiiradii la kala diray ka heystay dhanka Xildhibaanada.
Dhanka kale, waxaa xusid mudan in qaar ka tirsan in Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Dam-Jadiid ay wadaan olole xil ka qaadis loogu sameynaayo Jawaari, taasi oo sida la sheegay uu ka war-hayo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

