26.7 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

JAWAARI oo albaabkii u dambeeyey ka soo xiray madaxweyne XASAN Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, ayaa sheegaya in Xasan Sheekh iyo Gudoomiyaha BF ay xalay kulan ka yeesheen xaalada dhabaqsan ee ka dhalatay magacaabista Wasiirada cusub.

Guddoomiyaha BF Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maalmahaani dhex dhexaad u ahaa Xasan, Cumara Cabdirashiid iyo Xildhibaanada BF, ayaa waxa uu iminka ku biiray xildhibaanada diidan xukuumadda.

Jawaari ayaa waxaa la sheegayaa in inta uu kulanka socday Madaxweynaha ku wargaliyay inay ku adag tahay inuu dib u dhigo kullanka baarlamanka ee maanta, sidaa darteedna ay qasab tahay in xukuumadda ay hortimaado baarlamanka.

Sidoo kale, Jawaari ayaa waxa uu Madaxweynaha u sheegay kaliya in hamiga Xildhibaanada uu yahay riditaanka Xukuumada Ra’isul wasaare Cumar iyo in dhamaan Golaha wasiirada laga saaro siyaasiyiintii horay ugu fashilmay xilkooda, oo saaxiib la eh madaxweynaha.

Waxa uu Madaxweynaha kula taliyay inuu arrimaha Golaha Wasiirada u madaxbaneeyo Cumar Cabdirashiid, haddii arrinkaasi la waayana uu xalku noqon doono mid raja beel ah.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa iminka muuqat inuu meel cidlo ah taagan yahay, uuna kasoo xirmay albaab kasta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News