24.4 C
Mogadishu
Thursday, February 12, 2026

Xildhibaannada oo diiday gorgortanka Xasan iyo CCC, dansaday teleefonnada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka tirsan Xildhibaanada BF Somalia, ayaa sheegay inay diideen gorgortan ay damceen inay la galaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Xildhibaanada ayaa sheegay inay diidan yihiin in wax wada xaajood ah ay la gaaraan Villa Somalia, oo uu culeys ka soo fuulay sidii lagu meel marin lahaa Golaha Wasiirada cusub.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kamid ah Xildhibaanada BF ayaa sheegay inay ka biyo diidan yihiin wax waliba oo keeni kara gorgortan iyo wada-xaajood sababi kara inay dib uga laabtaan go’aankooda ku aadan diidmada ansixinta Wasiirada Cusub.

Waxa uu tilmaamay in go’aankooda uu yahay mid mideysan, islamarkaana uusan ku iman doonin jilicsanaan, isagoona wacad ku maray inuu socon doono go’aankooda oo kaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay demiyeen moobeeladooda, iyadoo taasi jahawareer hor leh ay ku riday Qasriga Madaxtooyada Villa Somalia.

Dhanka kale, Caqabadani waxaa lagu sheegay nooceedii ugu xasaasi-saneyd ee la soo derista Villa Somalia, iyadoo Madaxtooyada laga dareemaayo jahawareerka culus, ee kaga imaanaaya dhinaca Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News