Xasan Sheekh iyo garabkiisa oo taladu ay ku xun tahay loogana adkaaday…!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Xassn Sheekh Maxamuud iyo garabkiisa ay xiligaani ku xuntahay Siyaasada kadib markii ay kasoo horjeesten dhamaan Mas’uuliyiintii la safnaa.

Madaxweynaha oo dhowr kulan la qaatay Mas’uuliyiin uu kamid ahaa Gudoomiyaha BF iyo xildhibaanno badan ayaa waxa uu kala kulmaayay deero, kadib markii ay xaaladu noqotay mid sii xumaaneysa un.

Madaxweynaha iyo garabkiisa Siyaasadeed ayaa waxa ay iminka u muuqdaan kuwa looga itaal roonaanayo diidmada Xukuumada Cusub, waxaana suuragal ah in Xassan Sheekh uu gabi ahaanba faraha kala baxo Xukuumada Cusub oo uu u madaxbanaaneeyo Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid, oo xukuumadda xalay ka diray.

Dhanka kale, Ra’isul wasaaraha ayaa isaguna dhankiisa ka biyo diidan hirgalinta amarada ku aadan dhanka Golaha wasiirada ee kaga imaanaya Xafiiska Madaxweynaha maadaama ay xildhibaanada baarlamanka ka biyo diideen xukuumadda.

Cumar Cabdirashiid ayaa u muuqanaayo inuu la imaan doono Wasiiro aan lagala soo tashan Madaxweyne Xasan, kadib markii uu ku fashilmay Liiskii wasiirada ee uu soo xulay Madaxweynaha dalka, oo xalay la kala diray.

Isku soo wadaduube arrintaani oo idil ayaa imaaneysa xili Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ay ku gacan seeren codsi uga yimid Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, kaa oo ku aadanaa in 22-ka bishaan uu xukuumadiisa horkeeno baarlamaanka, taasi oo keentay in xukuumadda dib loo celiyo.

Waxaa caddaatay in amarka iyo kali-talisnimada Xasan Sheekh iyo Damu-Jadiid aysan shaqeyn karin qarniga 21-aad, waxaana xildhibaanadu muujiyeen geesinimo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com