Jawaari oo CC ka dhaadhicinaya qorshe uu damacsan yahay (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan jawaari ayaa ku dhagan xildhibaanada wasiirada ah ee inta badan aan ka qeyb qaadan marka loo codeynayo hindise sharciyeedyada qaarkood.

Jawaari wuxuu sheegay in si gaar ah uu ula xisaabtami doono dhamaan wasiirada kamid ah xildhibaanada baarlamaanka, haddi saxiixooda uu ka waayo liiska xildhibaanada u codeeyay hindiseyaasha la hor geeyo baarlamaanka.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa si gaar ah u dhaliilay wasiiro qaar oo uu sheegay iney yihiin xubin baarlamaanka kamid ah islamarkaana aysan xaadirin inta badan kulamada baarlamaanka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayuu sheegay inuu kulan gaar ah la qaadan doono oo ay iska arki doonaan sida laga yeelayo xildhibaanada wasiirada ah ee aan tagin kulamada baarlamaanka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in isaga iyo ra’iisul wasaaraha dalka ay go’aan ka qaadan doonaan wasiirada aan tagin kulamada lagu ansixinayo sharciyada muhiimka u ah dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com