26 C
Mogadishu
Monday, June 8, 2026

Jawaari oo dib usoo celshay caga jugleyn uu ku hayay xildhibaanada…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kulul uga hadlay shaqo gudasho la’aanta qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Somalia.

Jawaari ayaa sheegay inay sii kordhayaan Xildhibaanada aan ahmiyada siin gudashada shaqooyinkooda waxa uuna ku caga jugleeyay inuu dib usoo bilaabi doono sharciyadii uu ku shaqeyn jiray baarlamaankii hore kaa oo la marin jiray Xildhibaanada ganbiya kulamada baarlamaanka.

Waxa uu Jawaari sheegay in Xildhibaanada baarlamaanka laga saxiixi doono warqado marqaati fur u noqon doona maqnaanshiyahooda taa oo ay ku weyn doonaan qeybo kamid ah xuquuqdooda.

Waxa uu intaa raaciyay inay la kulmi doonaan cadaadis xoogan, waa haddii aysan la imaan isbedel dhanka shaqooyinkooda ah.

Jawaari ayaa cadeeyay inay ku adagtahay ka aamusida maqnaanshiyaha Xildhibaanada oo uu sheegay inay dib u dhigeyso barnaamijada dhowrka ah ee la doonaayo in wakhti dheer laga doodo.

”Xildhibaanadu waxa ay leeyihiin xushmad gaara si taa lamida waxaan uga dalbaneynaa inay ka fogaadan maqnaanshiyaha xad dhaafka ah”

Geesta kale, waxa uu Guddoomiye Jawaari ku baaqay in la ilaaliyo xiliyada uu baarlamaanku leeyahay kulamada si buu yiri loo kala fududeeyo howlaha horyaal baarlamaanka oo aad u farabadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News