Sawiro: Taabid oo dhagax dhigay dhismaha wadada Jeneraal Daa’uud

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa saaka dhagax dhigay Wadada Jeneraal Daa’uud oo isku xirta Taalada Daljirka Dahsoon illaa Wadada Sodonka.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in maamulkiisa uu dhisi doono wadadan iyo dhamaan waddooyinka kale ee bur buray ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah mashaariic uu hirgelinayo Maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan dhismayaasha waddooyinka bur buray.

Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xilligan wada dhismaha wadada 30-ka oo ah wado halbowle u ah isku xirka degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Wadadan waxay muhiim u tahay isusocodka bulshada, ganacsiga & bilicda Caasimadda. Gudoomiyaha oo saxafada lahadlay waxa uu aad ugu dheraday arimaha amaanka. Ciidamada Nabadgilyada ayuu ugu baaqay in ay sugaan amniga howladenada dib udhiska kuhowlan. Bulshada kudhaqan 2Dagamo ee Boondhere iyo Warta-nabadda oo lamigan udhaxeyo ayuu gudoomiyaha ugubaqay in ay kafa,ideystaan ayna kashaqeyaan nadaafadda degaanka. Thabit waxa uu shegay lacagta lagudhisayo lamigan in ay iskakashanayan maamulka gobolka iyo ganacsato soomaliyeed.

Waa wadadii 2ad oo bishan gudaheda uudhagaxdhigo gudoomiyaha gobolka tasoo muujineyso in dowladda hoose ee xamar ay kudadaleyso soocelinta bilicda caasimadda.