Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Gudoomiyaha BF Somalia ayaa Hogaamiyayaasha Gobolada dalka ugu baaqay in si dhaqsi ah ay kusoo dhisaan Baarlamaanada Gobolada.
Jawaari ayaa hadalkaani sheegay xili uu ka hadlaayay kulamada u socda Madaxda qaranka iyo Hogaamiyayaasha Gobolada, waxa uuna mid muhiim ah ku tilmaamay in Gobolada ay yeeshaan Xildhibaano u kala sooca qaladka iyo saxa.
Gudoomiyaha BF Somali ayaa arintaani ku micneeyay inay sahleyso sidii maamul kasta horay ugu dhaq dhaqaaqi lahaa arimaha horyaala ee wax ka qabadka u baahan sida ogaanshaha baahiyaha dadweynaha ay qabaan iyo sidii diirada loo saari lahaa wax ka qabashadooda.
Dhanka kale, Maamul goboleedka Jubba ayaa hada ku howlan siduu u soo dhisi lahaa Baarlamaanka ku qanacsan yihiin Shacabka Jubbooyinka waxaana dhawaan Kismaayo ka furmay shir arimahaasi loogu gogol xaarayo.
Maamulka Puntland ayaa hada ah maamulka kaliya ee dalka ka jira ee leh maamul dhameystiran yahay Baarlamaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com