25.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

“Wasiirada cusub waddada kuwii hore ayey marayaan, haddii aysan la iman..”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Habeenimadii xalay uu Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia magacaabay xubnaha Xukuumadiisa, ayaa waxaa arrintaasi siyaabo kala duwan usoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan BF Somalia.

Maxamed Cumar Maxamuud Maclow oo ka mid ah mudanayaasha BF, ayaa waxa uu soo dhaweeyay xukuumada Ra’isul wasaare Cumar ee xalay lasoo dhameystiray.

Xildhibaanka ayaa sheegay in muhiimada ugu weyn ay tahay in Wasiirada cusub ay qaadaan talaabo wanaagsan islamarkaana ay ka fogaadaan waxyaabaha sababay in wasiiradii hore loogu diido kamid ahaanshaha Xukuumada.

Waxa uu sheegay in wasiiradaan ay hor yaalaan shaqooyin badan, islamarkaana looga baahan yahay in ay laba jibaaraan howlaha ay qaban doonaan si loo helo hiigsigi la doonayo in la gaaro.

Dhanka kale, waxa uu Xildhibaan Macloow Wasiirada cusub ugu baaqay inaysan isu arag inay leeyihiin awood gaar ah balse ay isku arkaan in ay shacabka Soomaaliyeed adeegayaal u yihiin.

Waxa uu sheegay hadii wasiirada cusub aysan la imaan shaqo ka dheeri ah kuwii hore in ay adkaan doonto dalka doorasho in ay ka dhacdo sanadka 2016 waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuu ku goodiyay inay hor istaag ku sameyn doonaan haddii wasiirada cusub ay la imaan waayan howl karnimo iyo waxqabad muuqda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News