Jawaari: Waan ka daahnay BAYDHABA

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyay wax yaabaha uga soo qabsoomay intii uu joogay magaalada Baydhabo oo ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed.

Isagoo kula hadlaayay Saxaafadda Muqdisho ayuu Jawaari sheegay in uu soo arkay dad u helaan nabad oo doonaya in ay khilaafkooda ku dhammeeyaan wadahadal sidda uu yiri.Wuxuu sheegay oo kale intii uu joogay Baydhaba isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo in ay kulamo la qaateen odayaasha iyo siyaasiyiinta magaaladaas isku haya isagoona intaas ku daray in dhammaan kulamadaas ay ku soo dhammaadeen guul.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa ammaan u jeediyay dadka reer Baydhabo iyo wax-garadkooda isagoona uga mahad celiyay sidda ay u soo dhaweeyeen.

‘‘Waaxn utagnay dad ku dedaalaya una ooman inay dhistaan maamul goboleed inkastoo dhexdooda ay aaraah siyaasi ah isku khilaafsan yihiin hadana waxaa mahad ilaahay ah in aad isku afgarteen oo ay walaalnimo isugu yimaadeen diyaar u yihiin inay wadahadlaan oo wax shacabka umidaysanyihiin meesha kasoo saaraan’’ ayuu yiri Jawaari

Gudoomiyuhuu wuxuu sidoo kale qiray in dowladu dhexe ay kasoo daahday in howlahaas ay wax ka qabato wuxuu sheegay in isaga iyo madaxweynuhuba ay balanqaadeen had wixii ka dambeeya in Baydhaba howlaha ka socda aan loo kala harin.

Magaalada Baydhabo waxaa horrey u tagay wafdi kale oo uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliy, Xasan Sheekh Maxamuud kuwaasoo iyagan u tagay magaalada siddii loo qaboojin lahaa xiisada ka aloosan magaalada oo ka dhalatay markii lagu dhawaaqay labo maamul oo iska soo horjeeda.

Si kastaba, ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in uu tagi doono Baydhabo si uu ugu biiro dedaalada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisada ka taagan Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com