Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeelaya kulan looga hadlayo qodobo ay kamid yihiin dib u eegista wax ka badalkii lagu sameeyay dastuurka dalka Soomaaliya.
Kulanka maanta ayaa waxaa la qorsheynayaa iney ka qeyb galaan gudoomiyaasha baarlamaanka maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya, sida ay inoo xaqiijiyeen xildhibaano baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan ayaa kulamo la qaatay qaar kamid ah gudoomiyaasha baarlamaanada maamul goboleedyada waxaana la qorsheynayaa iney maanta kulanka tagaan.
Ujeedada ayaa waxay tahay sidii dhankooda ay qibrad kaga kororsan lahaayeen hab gudoominta xildhibaanada baarlamaanka ee maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.
Kulanka maanta ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ah ra’iisul wasaaraha dalka, gudoomiyaha gobolka Banaadir, qaar kamid ah hogaamiyaasha xisbiyada ka jira dalka iyo masuuliyiin kale oo dowlada ka tirsan.
Kulanka maanta ayaa waxaa uu ka duwan yahay kulamadii hore waxaana looga hadlayaa arimaha wax ka badalka dastuurka dalka Soomaaliya.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalo sharci badan oo dalka Muhiim u ah ,waxaana kamid ah hindise sharciyeedyo badan oo xukuumada ay soo diyaarisay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]