BF oo u yeeray laba wasiir oo la tuhunsan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan ay shabakada Caasimada Online qortay xog la xiriirta in Baarlamaanka Somalia uu ku dhagan yahay wasiirada Arrimaha gudaha iyo kan Amniga ayaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad labadaasi Wasiir u gudbiyay wargalin la xiriirta in maalinta Talaadada oo taariikhdu ku beegan tahay 16-ka bishan February ay hor yimaadan Baarlamaanka.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Jeylaani Nuur Iikar, ayaa sheegay in labadaasi Wasiir ay dalbadeen Xildhibaanada Baarlamaanka xili horayna ay ku wargaliyeen si wax looga weydiiyo Howlaha ay Dowladu u igmatay iyo tuhun kale oo ay Xildhibaanadu qabaan.

Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in Xildhibaanada ay qabaan Su’aalo la xiriirta Howlaha labadaasi Wasiir waxa uuna sheegay in Gudoonka sare ee Baarlamaanka uusan ka aqbali doonin cudur daar la xiriira in baaqasho uu ku imaado hor imaanshahooda Baarlamaanka.

Xildhibaanada, ayaa waxa ay sidoo kale doonayaan inay wax ka ogaadaan cidii soo hindistay in baaritaano la marsiiyo Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia, maadaama Dastuurka Qaranka uu cadeynaayo inaanan la baari karin Xildhibaanada.

Khadiija Maxamed Diiriye oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ayaa kulankii ugu danbeeyay ee uu lahaa Baarlamaanka ka sheegtay in Xildhibaanadu ay u baahan yahay in jawaabo laga siiyo su’aalaha ay qabaan, sidaa aawgeedna ay lagama maarmaan tahay in labadaasi Wasiir ay hor imaadan Baarlamaanka.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dhawaan waxa uu sheegay in laamaha amaan Dowlada ay amar u qabaan in baaritaano ay ku sameeyan Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka, waxa ayna Xildhibaanadu qabaan in amarkaasi markiisa hore uu kasoo baxay Wasaaradaha Amniga iyo arrimaha gudaha.

Dhanka kale, Jawaari ayaa sheegay in isaga iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada ay arrinkaasi isla qaada dhigeen islamarkaana Hay’adaha amaanka kuwooda Garoonka howsha kawada ku wargaliyeen inaan la baarikarin Xildhibaanada Baarlamaanka xiliyada ay ku howlan yihiin Safarada dibadda, hayeeshee amarkaasi ma uusan fulin wali.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com