28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Jawaari oo sawir fool-xun ka fahmay qaabka loo dhaqan galinayo barnaamijka HIIGSIGA 2016-ka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhaliilay qaabka uu ku socdo qorshaha Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka.

Jawaari oo wareysi siinaayay mid kamid ah Idaacadaha maxaliga ee ka howlgala Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in waxbadan uu iska bedelay qaabka ay Dowlada Somalia u waday qorshaha Hiigsiga iyo qaabka iminka loo wado.

Jawaari waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la helo nidaam cusub oo ka duwan kan iminka ay ku shaqeyneyso Dowlada si looga gudbo Barnaamijka Hiigsiga ee iminka ka socda Somalia.

”Waa lagama maarmaan in isbedel lagu sameeyo qaabka hadda uu ku socdo Hiigsiga, dalka waxa uu u baahan yahay Barnaamij hiigsi cusub oo ka duwan kan hadda lagu howlan yahay”

Jawaari waxa uu sheegay in maamulada qaar ay si qaldan u dhaqan galinayaan Barnaamijka Hiigsiga, halka Dowladuna ay u hirgalineyso qaab kale oo aan u muuqan maamulada.

Waxa uu Jawaari sheegay in muhiim ay tahay in laga gudbo qaabka ay hada howsha Hiigsiga cusub u socto, waxa uuna tilmaamay in gabi ahaan Barnaamijka loo rogay qaab qabiil misna Barnaamij ay Maamulada u adeegsadaan duulaanka Dowlada.

Docda kale, dhaliilida Jawaari ee Barnaamijka Hiigsiga ayaa imaanaya xili maamulada dalka ay waxkama jiraan kasoo qaaden awooda Dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News