Qaraxyo culus oo ka dhacay Gobolka Sh/Hoose.

Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxo hubeysnaa ayaa weerar Bambaano ku qaaday Ciidamo ka tirsan Dowlada oo ka howlgala Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose.

Bambooyinka ay Kooxahaasi tuuren ayaa kor u dhaafaya ilaa Afar Bambaano kuwaasi oo si kali kali ah loogu weeraray Ciidamada.

Ciidamada la weeraray ayaa ka howlgalaayay ilaa dhowr fariisimood waxaana lasoo warinayaa in weerarkaasi uu khasaaro xoogan u geystay Ciidamada.

Goobjooge ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Qaraxyada kadib uu arkay Ciidamo dhaawac ah oo lagu daadgureynaayo gaadiidka gurmadka, halka sidoo kale ay ishiisu qabatay ilaa Seddex askari oo meyd ah.

Weerarka kadib ayaa waxaa goobta ka baxsaday maleeshiyaadkii weerarka fuliyay, waxa ayna ciidamadu durbadiiba ku dhaqaaqen howlgalo lagu baadi-goobaayo Kooxihii falkaasi geystay.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay Saraakiisha Dowladda iyo kuwa Maamulka Degmada Marka ee Gobolka Sh/Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com