Jawaari oo shaaciyay xilliga RW cusub la horkeenayo BF iyo go’aanno kale

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah kulan ku yeeshay guddiyada baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay xilliga baarlamaanka la horkeenaayo raysal wasaaraha cusub.

Shirka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha baarlamaanka,Prof Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu qaatay lix saac.

Markiii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay guddoomiyaha baarlamaanka oo sheegay in shirka maanta isaga iyo gudiyadda baarlamaanka ay yeesheen looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Wuxuu sheegay in la isla meel dhigay sannadka 2014-ka in uu noqon doono sannadkii ugu shaqada badnaa baarlamaanka waayo inta aan la gaarin sannadka 2016-ka waxaa la doonayaa ayuu yiri in la qabto shaqooyin muhiim ah sida in la dhammeestiro dastiirka iyo dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah.

Ma sheegay guddoomiyaha xilliga uu baarlamanka hor imaanayo raysal wasaaraha cusub?

Guddoomiyihu wuxuu sheegay in ay isla garteen isaga iyo guddiyada madaxweynaha in uu hor keeno raysal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed maalinta Arbacada ee toddobaadkan, marka cod loo qaadana uu raysal wasaaraha soo dhiso xukuumad taasoo cod loo qaadi doono dabadeedna miisaniyada xukuumada cusub ay ku shaqeeneyso sannadka 2014-ka baarlamaanka loo soo bandhiggo ayuu yiri.

Ugu dambeyn guddoomiyaha baarlamaanka ayaa fariin u diray xildhibaannada baarlamaanka ee dalka iyo dibadiisa ku sugan isaga oo ka dalbaday iney wada yimaadaan magaalada Muqdisho ugu dambeyn maalinta Salaasada ee so socota maadaama laga doonayo iney gutaan waajibaad dastuuri ah oo ay ugu horeyso ansixinta ra’isul wasaaraha waxaana uu guddoomiyaha Baarlamaanku tilmaamay ka maqnaanshaha fadhiyada noocaan ah ee Baarlamaanka ay tahay xilkasnimo darro.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com