Jawaari oo Sharci darro ku tilmaamay shaqo joojintii lagu sameeyey xoghayaha guud ee Baarlamaanka

Muqdisho (Caasimadda Online) guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa ka hor imaaday shaqo joojintii lagu sameeyey xoghayaha joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inaysan shaqo joojintaas sharci aheyn isla markaasna uu isaga kaliya xilkaas magacaabi karo kana qaadi karo isagoo la tashanayo labadiisa ku xigeen kadibna laaii marsiinayo guddiga Joogtada ah.

Guddoomiye Jawaari ayaa tilmaamay in tallaabada uu qaaday ku xigeenkiisa koowaad ay tahay mid ka hor imaaneyso xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Jawaari ayaa waraaqdaan u kala diray dhammaan xafiisyadii uu Muudey u diray waraaqdii shaqo joojinta wuxuuna codsaday in sharciga la ilaaliyo.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Muudey ayaa saaka soo saaray waraaq uu ku sheegay inuu shaqadii kaga joojiyey xoghayaha joogtada isagoo ku eedeeyey inuu faraha la galay khilaafka ka dhex jiro Baarlamaanka Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Jawaari.