Jawaari: R/Wasaare Cabdi Weli Sheekh xaq ayuu u lee yahay in uu is difaaco

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada C/weli Sheekh Axmed, uu xaq u lee yahay in uu Baarlamaanka horyimaado, isna difaaco.

“Ra’iisal Wasaaraha xaq ayuu u lee yahay in uu is difaaco Dastuuriyan, warqad ayaana u qoray oo ugu sheegay.” ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.

Gudoomiyaha, ayaa bidhaamiyay in maalinta Khamiista ah Xarunta Golaha Shacabka lagu soo bandhigi doono liiska magacyada Xildhibaanada, mooshinka ka keentay Xukuumada, maalintaasina uu hor imaan karo Baarlamaanka, haddii uu daneynaayo.

Maxamed Sheekh Cismaan, ayaa maanta kulankii Baarlamaanka ka sheegay in jewi degan ay ugu suurta gashay, in Xildhibaanada loo qaybiyo mooshinka laga keenay Xukuumada, isla-markaana ay Xildhibaanadu ka doodi doonto maalinta Khamiista ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in isla Khamiista la diiwaangelin doono Xildhibaanada Baarlamaanka, ee ka qayb qaadaneysa dooda ku aadan mooshinka kalsooni kala noqoshada ee Xukuumada.

Dhanka kale Prof. Jawaari, ayaa maanta Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyada ugu yeeray, in maalinta Arbacada oo berrito ku beegan ay yimaadaan Xarunta Baarlamaanka.

Jawaari, ayaa waxa uu sheegay in Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane laga doonaayo, in uu sharaxaad ka bixiyo Miisaaniyada sanadka cusub, ay ku shaqayn doonto Xukuumaaan amaba midda kale ee bedeli doonto.

Wuxuu kaloo sheegay in Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna Federalism-ka C/laahi Goodax Barre isna laga doonaayo in uu Baarlamaanka sharaxaad ka siiyo, Sharciga Xududeynta Federalism-ka iyo Doorashooyinka.

isha dhacdo