28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Puntland oo wafti u dirtay Sharif Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba waxaa gaaray wafti shalay ka dhoofay Garoowe oo Puntland uga qayb gelaya caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shiriif Xasan Sheekh Aadan.

Wafdiga oo isugu jira wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada waxaa hogaaminayey Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Diinta Ismaaciil Maxamed Warsame.

Xubnaha kale ee wafdiga waxaa kamid ahaa: Wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indho Guran; Wasiirka Dastuurka iyo Federaalka Sahro Siciid Nuur iyo Wasiirka Deegaanka iyo Duurjoogta Guuleed Saalax Barre.

Wufuud kale oo ka imaanaya dhanka Dowladda Federaalka, Jubaland, IGAD, Qaramada Midoobay iyo dalalka deriska ayaa la filayaa inay iyaguna munaasabadda caleema saarka kasoo qayb galaan.

Shiriif Xasan Sheekh Aadan oo horay u ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka waxaa loo doortay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed 17-ka bishii hore ee November.

medium_Ggd9k4G1

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News