28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

XOG: Galeyr oo wada qorshe aysan ku farxi doonin beesha KHAATUMO State

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub oo laga helay ilo ka tirsan maamulka Khaatumo State, ayaa sheegeysa in madaxweynaha Maamulkaasi Cali Khaliif Galeyr uu wado qorsho cusub oo aan u cuntameyn dadka deegaanadaas.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Madaxweyne Cali Khaliif uu ku jiro wada hadal ku saabsan in Khaatumo uu ku biiriyo maamulka Somaliland. Wada hadallada ayaa waxa ay u dhaxeeyaan Galeyr, Ethiopia iyo Somaliland.

Xogtu waxa ay sidoo kale hoosta ka xariiqeysaa in odayaasha Dhulbahante ay wadaan olole lagu hor istaagayo damaca Siyaasadeed ee Madaxweyne Cali Khaliif oo ay caqabad adag ka heysato dhanka Dowlada Ethiopia iyo Maamulka Somaliland oo ka diidsan gooni isu taagan Maamulka Khatumo.

Dhanka kale, Arrintaani ayaa waxa ay imaaneysaa, iyadoo dagaal uu dhiig ku daatay ka dhacay Deegaano isku xira Khaatumo iyo Somaliland, waxaana laga cabsi qabaa in Siyaasadaani Cusub ay is hortaagi doonto DF Somalia, inkastoo aysan weli kusoo baraarugin.

Cali Khaliif oo la tashi la sameeyay labadiisa Gole, ayaa waxan jirin cid taageertay Go’aanka ah in Khatumo lagu biiriyo Somaliland, oo wada-hadalladiisa ay si hoose u socdaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News