Baydhaba (Caasimada Online) – Warar hordhac ah oo naga soo gaaraya weerarada ismiidaaminta ah ee ka dhacay Magaalada Baydhaba ayaa sheegaya inuu ka dhashay khasaaro aad u xoogan.
Qaraxa koowaad oo ahaa mid loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay meel ku dhaweyd Hoteel Baydhabo kaasi oo dhaliyay khasaaraha ugu xooganaa.
Weerarka gaariga loo adeegsaday ayaa waxaa ka dhashay khasaaro aad u xoogan oo ugu yaraan kor u dhaafaya ilaa 15, halka weerarka labaad oo ahaa mid uu fuliyay ruux isa soo miidaamiyay uu ahaa mid ka daba dhawaa weerarkii hore waxa uuna kaasi ahaa mid ka dhacay Afar irdoodka.
Dhimashada iyo dhaawaca ayaa lasoo warinayaa inay badantahay dhimashada, waxaana Caawa buuxa Isbitaalada waxaana jira Gaadiid la’aan ay ciidamada gurmadka ka cabanayaan gaar ahaan kuwa loo yaqaan Ambalaasta.
Goobaha uu ka kala dhacay weerarada ayaa waxaa ku caweyn jiray Odayaal, dhalinyaro iyo waxgarad kuwaasi oo si aad ah uga sheekeyn jiray arimaha Siyaasada.
Ciidamo aad u farabadan ayaa hada lasoo dhoobay goobaha uu weerarka ka dhacay, waxa ayna ciidamada xireen jidadka iyaga oo ka cabsi qaba in weerar sedexaad uu dhaco.
Waxaa qasan Jawiga magaalada Baydhabo waxaana hakat galay dhamaan isu socodka, iyadoo xiliyada qaarna ay dhacayaan rasaas lagu kala eryinaayo dadka.
La soco wararkeena danbe wixii kusoo kordhow
Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]