28.9 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Jeesow: Xilka khilaafka labada mas’uul ee Hiiraan & Baladweyne waa xil qaadis

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo uu baryihii dambe uu Khilaaf ka dhextaagan yahay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax iyo Gudoomiyaha Magaalada Baladweyne Maxamed Cabdi Cismaan, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Mudane ka tirsan Baarlamaanka DF Somalia.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo Khilaafkaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu sheegay in Khilaafka ay Labadaasi Mas’uul ku weyn doonaan xilalka ay u hayaan DF Somalia.

Waxa uu sheegay in Maslaxada ay ugu jirto in midba midka kale uu la heshiiyo, waxa uuna ku goodiyay inay suuragal tahay in sida uga dhaqsiyaha badan ay uga arrinsadaan Khilaafkooda Jawaabtuna ay noqon doonto xil ka qaadis, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo arrinta Khilaafka ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo kan Baladweyne, xilka waan ka qaadeynaa, haddii aysan heshiinin. Haddii ay heshiin waayaan labadaba waala bedelayaa.”

Waxa uu intaa raaciyay Xildhibaanka hadalkiisa “Khilaafkoodu waa uu soo noq noqday, waxaana leesku hayaa waa arrimo dhaqaalo. Dhaqaalaha wuxuu Gobolka Hiiraan ka soo galaa ilaa afar meelood oo kala ah, Garoonka Diyaaradaha, Isgoyska Kalabeyrka, Suuqa Xoolaha iyo Hay’adaha Gobolka ka hawlgala.”

“Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee Gobolka Hiiraan ka soo jeeda, waxay go’aan cad ka qaadan doonaan labadaasi masuul ama wax haka qabteen khilaafka u dhaxeeya.” Ayuu sii raaciyay Mudane Jeesow.

Dhanka kale, waxa uu ka digay in Xildhibaanada kala taageersan labada Mas’uul ay sameeyan wax faragalin ah, waxa uuna ku baaqay in faragalinta laga dhaafo Khilaafka si labada Mas’uul ay iskooda ugu heshiiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News