25.3 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Jeesow “Jawaari cidna kama awood badna ee waxaa luminaya kuwo isaga ka liita”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa shaaca ka qaaday in Guddoomiye Jawaari ay qasayaan Xildhibaano uu sheegay inay waayen maslaxadooda.

Xildhibaan Daahir Amniin Jeesow, ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu dhowr jeer go’aansaday inuu iska casilaayo xilka, hase ahaatee ay dhalanrogayaan Xildhibaano uu ku sheegay daniistayaal.

Waxa uu Xildhibaanka sheegay in Guddoomiye Jawaari uu ismooday inuu awood leeyahay, balse aysan dowlada usoo jeedin inay gacan ula tagto, waxa uuna ku baaqay inaanu ku lumin dhoola ka qosolka Xildhibaanada casharada usoo meerineysa.

‘’Jawaari waxba noogama duwana Xildhibaanada kale dowladuna uma tagweyn ee waxaan dooneynaa in wax waliba aan ku xalino sifo sharci ah, waxaan qireynaa in Jawaari ay qasayaan Xildhibaano meesha kawaayay dantooda’’

‘’Waxaan leenahay Jawaariyow yeysan ku lumin Xildhibaanada aad ku shaqeyneyso amarkooda, waxaan kuu ballanqaadeynaa in xildhibaanadaasi aysan ku difaacin’’

Sidoo kale, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa sheegay in ka mowqif ahaan ay ka go’an tahay riditaanka Guddoomiye Jawaari oo uu sheegay in si gaara uu u maamushay Dastuurka dalka.

Haddalka Jeesow ayaa kusoo beegmaaya xili Guddoomiye Jawaari uu weli ku adkeysanaayo inaanu iska casili doonin xilka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News