Taliyihii ciidamada ilaalada Villa Somalia oo shaqada looga eryay hal arrin aawgeed + Mid cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Ciidamada ilaalada Xarunta Villa Somalia Gen. Axmed Maxamed Cali Afcadeey.

Taliyaha ilaalada Villa Somalia ayaa waxaa la sheegay inuu xilka ka qaaday Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, oo isagu usoo jeediyay eedeymo xadgudb ku ah jiritaanka Qaranka.

Taliyaha ciidamada xooga ayaa xil ka qaadista Gen. Axmed Maxamed Cali Afcadeey u sababeeyay kadib markii uu ka horyimid amarkii hubka dhigista Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xil ka qaadista Gen. Axmed Maxamed Cali Afcadeey, ayaa timid kadib markii shalay ciidamo ka mid ah kuwa ilaalada Madaxtooyada Somalia ay la safteen Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Waxaa la magacaabay Taliyaha cusub ee Villa Somalia waxaana loo magacaabay Gaashaanle Odowaa Yuusuf Raage.

Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan Militeriga ayaa u xiran falkii ka dhacay Xarunta baarlamaanka Somalia, kuwaa oo garab siiyay Guddoomiye Jawaari oo lagu eedeeyay inuu qabsaday Xarunta baarlamaanka.

Ma cadda talaabada ay qaadi doonto dowlada Somalia maadaama ay u xiran yihiin Saraakiil iyo ciidamo badan oo lagu eedeeyay amar jabin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com