Madaxweyne hore oo si kadis ah looga naxsaday inuu iska xaadiriyo xabsi

Muqdisho (Caasimada Online)– Garsoore reer Brazil ah ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas Luiz Inácio Lula da Silva ku amray in uu booliiska isu dhiibo galinka dambe ee Jimcaha si uu u billaabo 12 sano oo xabsi ah oo uu ku mutaystay musuqmaasuq.

Khamiistii ayay maxkamadda ugu saraysa dalka Brazil diiday dalab uu soo gudbistay oo ahaa in uu xor sii ahaado inta uu racfaanka ka qaadanayo xukunka lagu riday.

Lula wuxuu sheegay in xukunka lagu riday uu yahay mid siyaasadaysan loona qaabeeyay in lagaga hor istaago in uu madaxweynenimada u tartamo bisha Oktoobar.

Isaga ayaa la saadaalinayaa in uu ugu cadcad yahay.

Garsoore Sergio Moro oo heer faderaal ah ayaa sheegay in ay waajib tahay in uu xabsiga isgeeyo inta ka horraysa 5:00 galabnimo ee xiliga Brazil oo u dhiganta 11:00 ee saacadda geeska Afrika

Moro wuxuu sheegay in loo sii diyaariyay “xabsi khaas ah” kaas oo ka sooci doona maxaabiista kale, si loo ilaaliyo in aan wax loogu dhimin jirkiisa iyo maskaxdiisa.

Marka uu hadalkaas ku dhawaaqay garsooruhu boqolaal ruux oo taageera Lula ayaa mudaaharaad ka dhigay magaalada São Paulo.

Isha BBC

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com